|
|
ODAYADA IYO WEJIGA LABAAD EE QORSHE SIR AH. Qore Hereri Haji
|
Rabbiga ina ahaysiiyey baa mahadleh magaciisa ayaanan ku bilaabayaa Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato Rasuulkeenii suubanaa.
Maqaal aan qoray 6dii Ogosto sanadkii 2005 oo cinwaankiisu ahaa XALRAADINTA GUURTIDA OGADENYA IYO XEELADAHA MALASE laguna daabacay shabakadaha Somalitalk.com qorahay iyo wardher.com ayaan ku sheeegay in Itoobiya dano qoto dheer ay ka leedahay arinta odayadu ay bilaabeen. Sida ku xusan qoraalkaasi waxa jirta laba weji oo ay leedahay ujeeda uu Malas u dejistay yoolkan. Hase yeeshee waxaa ay arintani noosoo hoysey guulo balaadhan oo dal iyo dibadba ah.
Qorshahan waxa uu Malas dejiyay goor danbe oo ay odayadu ka quusteen iskagana noqdeen reerkoodi kadib markii ay Adis-Ababa muddo ku rafaadeen una muuqday isku daygoodii hore wax aan midho dhalin kadib markii uu diiday inuu la kulmo, haduu Malas daacad ka yahay waxa uu qaabili lahaa odayada markii ugu horaysay ee ay isku deyeen in ay la kulmaan oo ay muddo dheer ku sugayeen Adis-Ababa, waxa uu dib ugu yeedhay odayada kadib markii uu dejiyey qorshahan labada weji lahaa, labadaas weji midna wuu fashilmay midna hada ayuu dabayaaqadii ku jiraa.
Waa wejigeedii koowaade, waxa ay ahayd in uu Malas iska horgeeyo dadka iyo qabaailka degan wadanka Ogadenya isaga oo adeegsanaya arintan odayaasha, taasi oo ay ugu waynayd sida aan ku sheegay qoraalkaasi in uu isku dayey in uu odayada u akhriyo hab qabiil oo deedna raadiyey qabiilo kale oo uu yidhi idinka ayaa la idiin jeedaa oo sad bursi ayay raadinayaan ee waa la idin, dhacayaa, xidhiidh soke ayay rabaan in ay ila yeeshaan anna waan idiin digayaa ����ayuu qolo dhegta u saaray.
Arintan waxaa ka markhaati ah in shirar aad u badan ay abaabuleen dawlada dhexe iyo rag uga howl gala magaalada jigjiga iyaga oo kolba qabiil isu keenaya. Arintaasi oo ay isla markiiba ku fashilmeen uuna ka dhigay Malas wax aan jirinba la iskuna hawlin, isla markaana halkaas ku bes beeshay kadib markii uu Malas ka quustay.
Hadaba kadib markii ay taasi shaqayn wayday ayaa waxaa uu Malas dhawaan guda galay inuu fuliyo wejiga labaad ee qorshahan kaasi oo sida aan qoraalkaas ku sheegay ahaa in la iska horgeeyo odayada iyo shacabka, shacabka iyo ONLF, odayada iyo ONLF,taasi oo ah qorshaha ugu balaadhan oo ay hada ku guda jiraan ahaana wajiga ugu danbeeya ee qorashahan qorsoon ee uu dejiyey ninka ugu sareeya TPLF.
Taasi oo ay uga dan leeyihin inay ku kasbadaan caalamka iyo maskaxda muwaadinka Ogaadeenya ee aan xaaladan si qoddo dheer u dhuuxin iyo kuwo badan oo aan la soconinba, isla markaana la rabo in ay hada uun kusoo baraarugaan durbaanka ay rabaan in ay kasoo tumaan Yurubta iyo W/Amerika deedna la jiidaan dhanka Itoobiya wax u waddo iyo inay iska horgeeyaan qolyahaas aan soo xusay ugu yaraan hadii ay wax midho ah iyagu ku waayaan habkan.
Aynu runta isu sheegnee Itoobiya horta ma ka go daa inay arinta Ogaadeenya daacad ka noqoto isla markaana aynu si nabad ah uga madax banaanaano Itoobiya una noolaano si sharaf leh . jawaabtu waa maya hadii aynaan is maaweelinaynin, wayna inoo caddayd inaysan duqaydu si sharafleh Itoobiya uga soo helaynin waxa ay ka rabaan oo ahayd markii hore inay miis dhexdhaxaad ah isugu keenaan ONLF iyo TPLF jabhada la yidhaahdo.
Arintan waxa ay ciddii rajo ka qabtayba ka quusatay kadib markii inta ay odayadu si fool-ka-fool ah xaruntooda ugu tageen madaxda ugu sarysa ONLF isla markaana si waafi ah isula qaadaa dhigeen arintan, ONLF na si cad ay ugu soo fartay TPLF in ay si daacad ah diyaar ugu yihiin in ay wadanka Ogaadeenya mar uun nabadi ka dhalato insla markaana ay tahay arintaas uun midda ay uga soo horjeedaan jabhada TPLF, una soo gudbiyeeen Malas iyo ragga ugu sareeya jabhadaas.
Kadib markuu xoogaa aamusnaa maamulka Malas Sanaawi ay halkii ay jawaab kakeeni lahaayeen ah inay ogol yihiin sida ay warbaahinta ka sheegeen in ay ONLF la kulmaan isla markaana ay keeni lahayeen dhankooda sidii loo dhaqaajin lahaa iyo meelaha la quman,si ay u hirgasho arintii labada dhanba ku dhawaaqeen ee ahayd in midba midka kale miis la soo fadhiisan hadalkaasna looga dhabeeyo,
Waxa ay markii ay Malas iyo kooxdiisu maqanaayeen muddo ay odayada oo magaalada jigjiga ku sugayay jawaabta ay soo celisyo TPLF ay ugu yeedheen odayadu in ay si cad u canbaareeyaan ONLF! sabab! bal adba garo waa side ayay ONLF ilaa heerkas diyaar ugu tahay inay la hadasho jabhada TPLF ee Malas horboodayo la hadalkaasi oo aysan filaynba isna lahayn ONLF ayaa idinka siideyn neefta oo idinka hoos qaadiba, waayo way ogaayeen in ONLF ay ogtahay in arintani aysan TPLF dhab iyo kudhawaad toona ka ahayn.
Arintan ay Malas iyo jabhaddiisu ugu yeedhayaan inay odayadu canbaareeyaan ONLF ayaa waxa ay ahayd biloowgii wejigii labaad ee uu Malas ka lahaa arintan oo ahayd inuu iskaga horgeeyo shacabka Ogaadeenya iyo ONLF isla markaana ay tani ugu noqoto qorshe xili dheer oo Malas ku maaweeliyo dad badan kadib doorashada marka uu dhinac isaga dhigay, waxa ay na ahayd qorshe uu dhigtay kahor intuusan u degin shaxda uu u dejieyey ururka CUD ee kula tartamayey doorashadii uu qabsaday bishii May kuwaas oo uu xabsi ku riday dhamaantood raggii ugu sareeyey.
Hadaba nidaamkii wada hadal ee sidaas u dhacay ee uu isna habkaas u dejiyey ayaa waxaa usoo bilowday wejigiisii labaad taas oo hadda maraya dhex badhtamaha isla markaana hore ugu soo fashilmay qaybihisii hore ayna u caddaatay TPLF in aysan wax midho ah oo ay arintani soo hayn kartaa aysan jirin. waxa uuna ogyahay Malas in dadka Ogaadeenya ay si wayn u barteen khiyaamooyinkiisa iyo nidaamka uu wax u watto oo dhan.
Haddaba maxaa keenaya inaan inagu yaabno oo aan madaxa isla gallo oo uu wax wayn ula noqdo intii aan arintan si fiican u ogayn. Keli ah eeg bal wada hadaladaasi waxa ay kusoo dhamaadeen oo lagu kala quustay gudaha Ogadenya oo ay joogaan madaxda ugu sareysan ee ONLFtu ee maxaa keenay in safarka intaas leeg lasoo geliyo odayda duqayda ah, way iska caddahay in aysan joogin yurub madax ONLF oo eegga arintaas u jooga oo fariin usii dhiibaysa TPLF, balse waxa ay tahaya ujeedada ay kaleeyahay Itoobiya waa in ay shacabka Ogaadeenya ku majara-habaabiso isla markaana ay ugu hesho wakhti teliskeeda liicliicaya ee dhan walba looga hormaray.
Arintu waxa ay taagnayd wada hadal ayaan la galaynaa Itoobiya haday diyaar u tahay iyo dhanka kale oo sidaas ah, kadib ONLF ayaa waxa ay sicadd u sheegeen sida uu ku qabsoomi karto isla mrkaana ay ka talo bixiyeen sidi loo samayn lahaa talaabadaas ee maxaa keenay xero ka waydaaradka iyo dabamarka xaqiiqdu waxa weeyaan Itoobiya ayaa waxa ay lahayd qorshe ay arinta kaga baadhanayso bal inay wax faaiido ah usoo hayso oo ay sii kordhiso sii haysashada shacabka Ogaadenya.
SAAMAYN INTEE LE'EG AYAY ARINTANI KEENTAY?
Arintan ay odayadu bilaabeen ee ahayd bal inay mar uun miis isugu geeyaan jabahada ONLF iyo TPLF ayaa waxaa ay ONLF usoo hoysay guulo aad u balaadhan oo la taaban karo, waxa ay keentay in dawlado iyo dad badan oo ay Itoobiya hore ugu sheegtay in ay ONLF diiday wada hadal kasta oo ay ugu baaqday ay soo taabtaan xaqiiqada jirta.
Waxa ay arintani keentay in dawladaha dunidu si dhab ah u ogaadaan khilaafka ka dhexeeya iyada iyo shacabka Ogadenya kuwaas oo ay markii hore ka dahsoonayd wax badani, halkaas oo qaar kamid ah dowladahaasi soo afjaraan ama xumaado xidhiidhkii ay Itoobiya la lahaayeeen.
Dhanka shacabka Ogadenyana waxa ONLF ugassoo hoyatay guul aad iyo aad u balaadhan oo meel walba laga dareemay taasi oo ay keentay kadib markii ay dadbadan oo aan xaqiiqda aad ula socon balse loo sheegya in ONLF ay nabado hawada loogu so bandhigay diiday ay iyaguna xaqiiqsadaan sida ay wax u dhacayaan isla mrakaana si nool ugu soo baraarugaan siyaaasda geeska afrika lagu ciyaarayo ayna ka qaataan mawqif cad.
GOOL HORLEH OON DHALINAY
Maya wax Malas noo dhaliyey ma jiro! Hadaba bal aan hal mar is waydiino e maxaa keenay in Itoobiya ay inoo soo hoyso guulahaas balaadhan ee dal iyo dibadba ah? waxaa Itoobiya ku qasbay saamaynta, xooga iyo awooda ciidan ee ay ONLF kuleedahay gudaha geeska Afrika iyo sida xariifnimada leh ee ay ONLF ugaga badisay dhanka arimaha dibada ee ay Itoobiya uga dhigtay wax khariidada geeska afrika ku jirta oo aan aduunka kulahayn weji fiican oo la aamini karo iyo sida ay ONLF ugu heelan tahay inay shacabka Soomaaliyeed uga digto qorshe walba oo ku aadan Soomaaliya.
Waxa ay Itoobiya garwaaqsatay hor-usocodnimada ONLF iyo sida ay si xawli ah ugu sii awoodaysanayso iyo sida aysan u ahayn urur qorshe gaaban ama mid uusan u muuqanin xilliga dheeri iyo in tafaraaruq ay kaga faaiidaysataa uusan jirin, ayaa waxa uu Malas dejiyey qorshahan ah inuu isku dayo inuu ka faaiidaysto isku dayga ay odayadu hindiseen ee ahaa bal inay wada-hadal ka dhex abuuri karaan TPLF iyo ONLF.
Hadaba Malas isaga oo haysta xaqaaiqdaas ayaa waxa biloowday dhaqdhaqaaqa odayadu isku xilqaameen xilli uu ku jiro qabasho doorasho oo ay aad ugu soo jeedaan indhaha caalamku ayna ka gonayd in isagu kusii nagaado kursigiisa, halka ay dunidu aad ugu heelanaayeen inay hubiyaan in wadanka Itoobiya ay marna ka jiri karto dumuqraadiyad.
Sidaas awgeedna Malas waxa uu islahaa inta indhaha caalamku dhankaas kaa eegayaan sii bilaabo ciyaar kale oo aad dad ku maaweeliso maadaama duqaydani fursad kuu fureen, taas oo kuu sii jiri karta kadib marka ay kaa tagaan reer galbeedka iyo kuwii xaqiijinayay inay ogaadaan in Malas ay run ka tahay sheegashada ah inuu diyaar u yahay dimuqraadiyad uu ku talaabsado. kadibna shaxda ayuu si khaldan u dhigay meel uu kaga baxana wuu garan waayay oo aan ka ahayn inuu iska sii wado bal in ay inna wax uun keento.
Isku soo wada duuboo,feejignaanta shacabka Ogaadenya iyo kartida ONLF iyo sida ay ula jaan qaadayso siyaasada caalamka iyo tan Itoobiya ee jilbaha kusocota ayaa keentay goolkan, waayo ONLF hadii aysan fahamsanahayn oo usan u muuqan xilliga dheeri way qaadici lahaayeen sheekada dhanba, taas oo halka ay Itoobiya ka dhowraysay faaiido hor leh oo ay arintani usoo haysana usoo guryo noqday qorshaheedii aasnaa ee ay barobagaaadada ku dabooli jirtay oo banaanka lasoo dhigayi, sidaas awgeedna waxa Itoobiya nooga soo hoyday gool cusub oo si raganima leh looga dhaliyey indhaha caalamka oo shan ah, halkaas oo aan ku kasbanay saaxiibo cusub oo dowladaha dunida ah iyo qaar badan oo shacabka ka mid ah oo kusoo baraarugay arintan.
Hereri Haji [email protected]
NB: Qoraalkan waxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga ee looma fasarin karo, kan Godeynews.com. Laakiin waxaan idinka dhiiri galinaynaa inaad qoraalaadiina noosoo dirtaan si aan idinku daabacno. |
|
|
|
|
|
 

|