GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Dhagaxbuur: Afar hayadaha UNta oo xafiisyo ka furtay magaalada Dhagaxbuur

Magaalooyinka Dhagax-buur iyo Qabridahar oo ay xafiisyo ka furteen qaar ka mid ah haayadaha qaramada midoobay. Madaxa isku xidhka xafiiska hawlaha gargaarka ee qaramada midoobay u fadhiya dalka Itoobiya mudane Paul Hebert ayaa maanta cadeeyay in si rasmi ah uga bilaabantay hawlihii gargaarka gobolka Ismaamulka Soomaalida.

Waxuu sheegay in ay u direen shaqaalahooda shanta gobol ee ay hawl galada militari ka socdaan si ay u dardar galiyaan hawlaha bila'aadanimo. Gobolada Dhagaxbuur, Qabridahar, Wardheer, Godey iyo Fiiq ayaynan ka hawl galin wax haayado ah taniyo markii dawlada Itoobiya ku dhawaaqday horaantii June waxa ay ugu yeedhay hawlgalka tir-tirida dhaq-dhaqaaqa jabhada ONLF.

Horaantii bishan ayay wakaalada ka hortaga masiibooyinka ee dalka Itoobiya soo saartay in ay 12 haayadood loo ogolaaday in ay ka hawl gali karaan shanta gobol ee ay hawl galadu ka socdaan. Sidoo kale wasaarada Warfaafinta Itoobiya ayaa shalay ku sheegtay warsaxaafadeed in hada ay ka hawl gali karaan dhamaan gobolka soomaalida haayaduhu maadama ay hada ka jirto nabad la isku haleen karo. Dhanka kale jabhada ONLF ayaa shalay qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay aad u soo dhaweenayaan go'aanka qaramada midoobay ay kaga furanayso xafiisyo qaybo ka mid ah gobolka.

Wakaalada ka hortaga masiibooyinka ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in ay socoto daadguraynta raashinka gaargaarka taas oo ilaa hada laga daadgureeyay magaalada Dire-dhawa raashin gaadhaya 2,604 metric tons oo isugu jira galay,hadhuudh,iyo saliid. Waxaa ilaa hada la gaadhsiiyay gobolada Fiiq, Godey iyo Qoraxay iyada oo ay ka qayb qaadanayaan 99 baabuurta xamuulka ah.


Somalistate.com ayaa mar uu u kuur galay sida ay wax ugu jiraan in ay haayado cusub ka furteen xafiisyo dhagaxbuur loo xaqiijiyay in ilaa afar guri oo ay leeyihiin dad reer Dhagaxbuur ahi ay hada kiraysteen haayadaha kala ah UN World Food Programme, UN Children's Fund, OCHA and the Food and Agriculture Organisation.


Dhanka kale waxaa maanta magaalada Dhagaxbuur soo gaadhay Afar ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya, kuwaas oo caawa u hoyday magaalada. lama garanayo cida la socotay iyo sababta ay u socdaan toona.Sidoo kale waxaa wali ku sugan magaalada wafti uu hogaaminayo Hogaanka Nabadgalyada gobolka Cabdi Ileey. Wafdigan oo maalmo joogay magaalada ayaa la sheegayaa in ay la kulmeen dhamaan shaqaalaha magaalada kuna amreen in ay soo qaataan hubkooda si ay ula dagaalamaan mucaaradka. hadaba waxaa somalistate.com loo xaqiijiyay in galabta cidii amarkaas fulin wayday loo tibaaxayay xabsiyada magaalada. Waxaa kaloo ay la shireen Ganacsatada iyaga oo ku amray in ay ka qayb qaataan una diyaar garoobaan la dagaalanka waxa ay ugu yeedheen nabad-diidka. Waxaa kaloo laga dalbaday qabaa-ilada in ay soo diyaariyaan ciidamo maleeshiya ah. Waxaa isagu laba cisho ka hor ka baxay magaalada madaxa Xisbiga talada haya mudane Daa'uud diiriye isaga oo u kicitimay Qabri-dahar.


Hadaba dad badan ayaa iswaydiinaya waxa ay soo kor dhin karto in shaqaalaha loo adeegsado la dagaalanka ururada hubaysan iyada oo shaqaale badan ku dhinteen hawgaladii ugu dambeeyay. Shaqaalaha ayaa iyaga looga fadhiyaa in ay bixiyaan adeegyada aasaasiga ah ee ay dadka gobolku sida ba'an ugu jeelan yahay una khibrad leeyihiin taas oo hadii si fiican looga shaqeeyo noqon karta dagaal micnaysan oo midha dhala. Dhanka kale masuuliyiinta ayaa dkankooda ku andacoonaya in dhamaan dadka gobolka ka saarantahay masuuliyad sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa deegaanka, sheeganayana in hada kohor maamulka deegaanku ka gaabin jiray masuuliyada ka saaran la dagaalanka kooxaha hubaysan.


Maamulka gobolka ayaa iyaga lagu xantaa maamul xumo, musuqmaasuq iyo kooxaysi kaas oo hadii wax iska badalaan wax wayn ku soo kordhinkara nolosha dadka malaayiinta ah ee ay masuuliyadu ka saarantahay.

Xigasho: Somalistate

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Fabricated Stories; What Does Jeffrey Gettlemen Want? By Abdullahi Khalif-Gariile 26 Dec 2024


Qaamuuska Laga Fiiriyo Xubnaha iyo Taageerayaalka ONLF 07 Nov 2024

ONLF Unleashes Its Attack Dogs. By Abdullahi Khalif-Gariile 06 Nov 2024

�Magaca Ayaa Deeqay� By EEGGA.COM Editorial 16 Oct 2024

Hambalyo Hambalyo Hambalyo Dhalashada Cabdirashiid Maxamuud Ugaas Cabdi Ugaas Axmed Xaashi 14 Oct 2024

Ninka dumini ONLF ee xeerka daba maray yaan ugu dacwoonaa? 12 Sep 2024

ONLF Facing Its Biggest Challenges Yet, Fighting for Its Existance-ANALYSIS By Farhan Mohamud 19 Aug 2024

Ogaden region: Uncertain Zone. By Abdirahman Hassan 17 Aug 2024

Ogaden: The other looming genocide of Horn of Africa. By Farah A. Farah 17 Aug 2024

Ogaden Human Rights Committee 11 Aug 2024

LETTER FROM U.S. SENATOR FEINGOLD ON REPORTED OGADEN HUMAN RIGHTS ABUSES 03 Aug 2024

Dhacdadii COBELLE waxaa lagu xusuustaa waxyaabahan soosocda!! Qore sayid ciiltire 20 May 2025

FAALLO: MAXAA LAGU XUSUUSAN DOONA DAGAALKII COBOLE ? Qore Abdi Habashi 08 May 2025

ONLF rebellion. by Jonathan Alpeyrie. 06 May 2025

Dancing with the warlords. By Shaacir Mataan 04 May 2025

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com