GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Gudi dhexe oo loo doortay mashruuca horumainta waxbarashada degmada Dhanaan!!

Mashruuca Horumarinta magaalada Dhanaan( Denan Development Programme-DDP) ayaa waxuu soo gabagabeeyey xulashada labo guddi maamul oo cusub kuwaasoo hogaamin doonta isku xidhka iyo hirgalinta Mashruuca DDP iyo isku xidhka jaaliyaadka .


Hawlwadeenada Mashruuca ayaa waxey labadii 7aad ee ugu danbeeyey ku jireen wada tashiyo iyo doodo kusaabsan sidii mashruuca loo dhameystiro lahaa isla markaana ay uga qaybqaadan lahaayeen dhamaan jaaliyaadka ree Dhanaan ee kunool dal iyo dibadba.

Mashruuca DDP ayaa waxa uu hadda ka hawlgalaa wakiilana ku leeyahay inta badan meelaha ay jaaliyaadka reer Dhanaan kaga suganyihiin dunida dacaladeeda gaar ahaan; UK, South Afrika, USA, Canada, Denmark, Swedan, Germany, Norway, Finland iyo Australiya. Dooddahan ayaa u dhacay qaabka loo yaqaano Tele-Confrence ayaa waxaa ka qaybgalay jaaliyaadka wadamada , Maraykanka, Denmark, Swedan, South Afrika, iyo waddanka UK kuwaasoo in muddo ah si caafimaad qabta uga doodey qaabka ugu haboon ee mashruucani ugu faaideynkaro bulshada ree DHanaan iyo gaar ahaan ubadka iyo sidii loo bilaabi lahaa dhismaha dugsiga sare ee Dhanaan.. Doodahan oo aad udhaadheeraa ayaa runtii waxaa ka dhashey in la isku raaco in la abuuro gole dhexe kaasoo u dhaxeeya jaaliyaadka adduunka ee ree Dhanaan iyo guddidii qabab qaabada dhismaha dugsiga sare ee Dhanaan oo ka hawlgali doona gudaha magaalada Dhanaan kuwaasoo maamuli doona mashruuca dhismaha dugsiga sare isla markaana hubin doona hirgalinta mashruuca.

Waxaa kaloo ladoortay Guddi dhexe oo hogaamin doona mashruuca DDP sanadaha nagusoo aaddan kuwaasoo loo fiiriyay waxqabadkooda iyo hawlkarnimadooda gudidan oo kala jooga wadamo kala duwan ayaa waxa ay kala yihiin:

1-Axmed Xasan Khaliif,(UK) guddoomiya guddida dhexe ee mashruuca DDP
2-Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed Raabi(South Afrika) gudoomiye Kuxigeen
3-Canab Khaliif Ugaas CabdiBudul(USA)Lacaghayaha mashruuca
4-Cumar Sheekh Muxumed Dheere(Cumar Faaruuq)(Canada) Isku xidhaha Jaaliyaadka iyo Mashruuca
5-Cumar Cabdi Ibraahim(Wakiilka Yurub ee mashruuca DDP)
6-Faysal Siraad Maxamuud(Denmark)
7- Guddidan caalamiga ee Mashruucu waxey si guud uga wada shaqeynayaan qaab socodka iyo hormarinta mashruuca iyadoo dhanka kale maamulkii jaaliyaadku ay sidoodii usii jiri doonaan.

Sidoo kale waxaa la magacaabey guddida gudaha oo ka kooban odayada iyo waalidiinta Dhanaan kuwaasoo iyagu hubin doona hirgalinta Mashruuca DDP. Guddidan oo ay ku jiraan aqoonyahano iyo odayaasha magaalada waxeyna kala yihiin:1-Qorane Ibrahim Sagal(Isku dubaridaha Mashruuca ee dalka)
2-Rashiid Xuseen Hiirmooge(Guddoomiyaha gudida dhismaha dugsiga sare ee Dhanaan
3-Xaaji Cabdisamad Maxamed Dhubad(Kuxigeenka gudoomiyaha dhismaha dugsiga)
4-Xuseen Dubad Cumar(Arimaha Bulshada iyo hirgalinta)
5-Muxyadiin Sheekh Maxamed Iinshaar(lacaghaye) iyadoo ladoortay 2 xubin oo kale oo lataliyaal ah kaydna u ah gudida dhismaha kuwaasoo oo kala ah C/waaxid Sheekh Maxamed Jiidhe iyo Cabdulaahi Muxumed boode

Labada guddi ayaa sida ugu dhakhsaha badan uga hawlgali doona sidii mashruuca DDP loo balaadhinlahaa isla markaana loo bilaabi lahaa dhismaha dugsiga sare ee Dhanaan bishan Janaayo ee fooda nagu soo haysa. Waa markii ugu horeysey ee mashruucani sameysto guddi noocan oo kale ah taasoo muujineysa wada jirka jaaliyaadka iyo sida ay uga go antahay horumarinta magaalada Dhanaan.

Mashruuca DDP ayaa waxuu sidoo kale ka warhayaa mashaariicda kale ee kasocota magaalada Dhanaan sida Biya galinta, iyo kan isbitaalka oo ay gacanta ku hayso hay'adda OWDA. Isku soo duuboo, guddidan caalamiga ee Mashruuca DDP ayaa lagu wadaa iney muujiyaan dadaal dheeri ah hawlkarnimo taasoo kor uqaadi doonta tayada iyo hamiga jaaliyaadka isla markaana tusaale wanaagsan unoqondoona jaaliyaadka kale ee kasoo jeeda deegaanka.

Mashruuca DDP waxuu ugu danbeyn ugu baaqayaa maamulka degmada iyo kan kililkaba,he'yadaha samafalka ee ka hawl gala gobalka iyo dhamaan inta jecel hormarka iney kaalin lixaad leh ka geystaan hirgalinta mashruuca dhismaha dugsiga sare oo ay yeelato magaalada Dhanaan taariikhdeeda intay jirtay.

NB: Waxaa Godeynews qoraalkan soo gaarsiisay Danwaa.


Godeynews.com

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Fabricated Stories; What Does Jeffrey Gettlemen Want? By Abdullahi Khalif-Gariile 26 Dec 2024


Qaamuuska Laga Fiiriyo Xubnaha iyo Taageerayaalka ONLF 07 Nov 2024

ONLF Unleashes Its Attack Dogs. By Abdullahi Khalif-Gariile 06 Nov 2024

�Magaca Ayaa Deeqay� By EEGGA.COM Editorial 16 Oct 2024

Hambalyo Hambalyo Hambalyo Dhalashada Cabdirashiid Maxamuud Ugaas Cabdi Ugaas Axmed Xaashi 14 Oct 2024

Ninka dumini ONLF ee xeerka daba maray yaan ugu dacwoonaa? 12 Sep 2024

ONLF Facing Its Biggest Challenges Yet, Fighting for Its Existance-ANALYSIS By Farhan Mohamud 19 Aug 2024

Ogaden region: Uncertain Zone. By Abdirahman Hassan 17 Aug 2024

Ogaden: The other looming genocide of Horn of Africa. By Farah A. Farah 17 Aug 2024

Ogaden Human Rights Committee 11 Aug 2024

LETTER FROM U.S. SENATOR FEINGOLD ON REPORTED OGADEN HUMAN RIGHTS ABUSES 03 Aug 2024

Dhacdadii COBELLE waxaa lagu xusuustaa waxyaabahan soosocda!! Qore sayid ciiltire 20 May 2025

FAALLO: MAXAA LAGU XUSUUSAN DOONA DAGAALKII COBOLE ? Qore Abdi Habashi 08 May 2025

ONLF rebellion. by Jonathan Alpeyrie. 06 May 2025

Dancing with the warlords. By Shaacir Mataan 04 May 2025

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com