Taliye cusub oo loo magacaabay ciidamada booliska Gobolka Godey.
Sida aan wada og soonahay maal mahan dambe waxaa kasocday gobolka Godey in dad xilalkii ay hayeen laga qaado kuwo kalena loo magacaabo meelo cusub. Hadaba magacoowgii ugu dambeeyeey waxuu ahaa Cabdi xuseen cabdi xoosh (Cabdi Sonkor) oo loo magacaabay Commisionerka booliska Gobolka Godey.
Magacaabitaanka Commissionerka ayaa ah mid uu soo magaacabay Madaxweynaha Killilka Mudane Abdullaahi Xasan ayaa waxaa lagu wadaa inuu wax ka badallo qaabka ay u hawl galaan ciidamada Booliska Gobalka oo sida waaxaha kale ee Killilka aan hawshooda u gadanin ama si gaabis ahba u gata.
Commissionerkan cusub ayaa hadda ku sugan JigJiga isagoo lafilayo in xilli dhaw u baqoolo xarunta Gobolka ee Godey si uu xilkan cusub ula wareego.