Wararka aan ka helayno Godey ayaa waxay noosoo sheegayaan in duqii Magaalada Godey labadalay oo la raaciyay maamulkii hore ee muddo todabaad ka hor ah laga badalay magaalada Godey.
Duqa magaalada ee la badalay ayaa magaciisa la,odhan jirey mudane Cabdi Ibraahin Suldan(Hire Dheere) oo intii uu ahaa duqa magaalada waxyaabo fara badan ka qabtay sida dhinacyada isku qabsiga dhulka, canshuur aruurinta iyo isagoo ku guulaystay inuu joojiyo boobista dhulka dawladda iyo boosas kale oo muhiim ah oo kuyalla faras magaalaha sida jardiinada weyn ee kasoo horjeeda daarta telefoonada iyo bankiga oo hadda ka hor la isku dayay in la boobo oo guryo laga dhisto. Hase yeeshee waxaa lagu badalay mudane Dayib Yuusuf Macaane oo hadda ka hor kamid ahaan jirey Golaha Dhexe ee xisbiga (SPDP) u matala degmada Cadaadle ee Gobalka Godey.
Maamul iska qaadistan ayaan ku cusbayn degmooyinka Godey iyo Qalaafe oo maalmihii lasoo dhaafay ka jireen dib u shaandhayn maaamul oo musuuliyiintii hore qaarkoodna xilka laga qaaday, kuwo kalena loo magacaabay xilal cusub. Sidaas darteed mudane Abdi Ibraahim ayaa waxuu noqonayaa masuulkii ugu dambeeyeey ee ka haray maamulkii hore ee xilka laga qaado, ayadoo maalmahanba laysla dhax marahayey in laga qaadi doono xilka duqa magaalada maadaama gudoomiyihii hore ee degmada mudane Suldan maxamuud oo siyaasiyan isku dhawaayeen xilkii gudoomiye nimadii laga qaaday.
Masuulkan cusub (Dayib Yusuf Macaane) ee loo magacaabay duqa magaalada ayaan hadda lasii sadaalin karin qaabka iyo sida uu urabo inuu u hawl galo, inuu raaci doono jidkii uu keenay duqii isaga ka horeeyay oo dad badan ay jeclaysteen iyo inuu la imaan doono istraajiyo hor leh oo uu ku maamulayo magaalada, oo baaxdeeda iyo dhaqaalaheeduba maalinba maalinta ka danbaysa ay sii kordhayaan.