JigJiga: Seminaaro ay fulinayaan Hay!adaha Wadaniga ee (OWDA iyo PDRA) ee Killilka Somaalida
Magaalada jigjiga ayaa waxaa kasocda Seminaaro ay ka danbeyso Safaaradda Dawladda Mareeykanka ee Ethiopia, taasoo ay ku mashqulsan yahiin sidii loo baraarujin lahaa dadweynaha kudhaqan deegaanka Soomaalida Ogaadeenya.
Seminaaradan ay bixiso Safaarada Mareeykanka ayaa waxaa inta badan fuliya Ha,adaha wadaniga ah ee kadhaq dhaqaaqa kiliilka oo aay hormuud uyahiin; hay,ada PDRA Pastoral development and Reief Association iyo ha,ayada kale ee OWDA oo siminaaro kala duwan oo ku saabsan xaquuqda dumarka Ogaadeniya ku bixinaya Magaalada JigJiga.
Seminaaradan ayaa waxay ka kala dhacahayaan holaalka TTI, iyo mid kale oo ku yaalla mgaalada JigJiga. Fikirada uu siin hayo Mareeykanka dadka Ogaadeenya intas kuma koobna ee waxaa uu hadda kahor ka cadeeyeey Magaalada Godey inaysan joogin wax argagaxisa oo aysan shaqo kulahayn, tahayna meelaha aduunka ugu amaansan.