JigJiga: Shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga oo lay iskugu yeedhay
Warar si rasmi ah usoo gaaraya Godeynews ayaa waxay sheegayaan in shirkii golaha dhexe ee xisbiga SPDP la iskugu yeedhay 3/2/2025 maalinta jimcaha ah uuna shirkan ka dhici doona Magaalda JigJiga.
Shirkan ayaa waxaa la sheegayaa inayna ku farax saneyn xubna badan oo hadda Golaha Dhexe kamid ah, sababtuna waxaa lagu sheegay in la yarayn doono tirada xisbiga oo hada dhan 75 xubin. Waxaa la isla dhex marayaa in laga dhigahayo 45, halka Gudiga Fulinta ee xisbiga oo ay tiradiisu ahaayd 21, laga soo reebi doono 11 xubin. Waxaanse la hubin in lagu heshiin doono dhisida Golaha Dhexe iyo Gudiga Fulinta. Maxaase dhici kari hadii lagu heshiin waayo dhisida xisbiga?.
Sida lawada ogyahay waxaa hadoo kale fursad hesha dowlada dhexe oo dhisata dad aay raali ka tahay markan oo kale, marka halkaas waxaa ka banaanaya fursad ay dowlada dhexe hesho oo ay kusoo fara galin karto.
Hase yeeshee, waxaanan illaa iyo hadda sii sadaalin karin sida uu wax u dhici doono, balse aan ka war dhowro waxii kasoo baxa shirka Jimcaha oo ay muddo yar inaga xigto.