Sida ay ku waramayaan wararka tooska ah ee aan ka helayno Kismanyo iyo kuwa Wakaaladaha wararka caalamiga ah ba, waxaa magaalada Kismanyo ka dhacay dagaal lagu hoobtay. Dhimashada ayaa lagu qiyaasayaa ilaa iyo 15 halka dhaawacu maraayo in ka badan 30.
Dagaalkan macna darada ah waxuu u dhaxeeyaa laba garab oo wada sheegta inay DKG ah ka wada tirsan yihiin, balse runtu ay tahay qawlaysato quud bursi iyo anaa qab-wayn isku haysta. Somalida wali is laynaysa waxii ka soo kordha fadlan kala socda GodeyNews.