XOL: Saaka niskii hore ayaa Hotelka ay dagganyihiin guurtida Ogadenya oo ku yaalla badhtamaha magaalada London kusoo booqdey xubno katirsan jaaliyadda Somaligalbed ee kudhaqan magaalada London iyo odayaal kuwaasoo dantoodu aheyd iney soo salaamaan guurtida Ogadenya ee kasoo baqooley dhulkii hooyo.
Guurtidan oo aad ugu faraxsaneyd sidii diiranayd ee xalay loogu soo dhaweeyey garoonka caalamiga ah ee magaalada London ayaa kulankii ay saaka layeesheen odayada iyo xubnihii ugu tagey hoteelka ay daggan yihiin waxey usheegeen iney ujooddada ay u yimaaddeen aysan aheyn dan ay iyagu uleeyihiin oo gooni ah ee ay tahey danta guud ee umadda Ogadenya iyoo maslaxadeeda iyo iney dhameystiraan heshiiskii ay bilaabeen odayadan ee ay kadhaxwadeen dawladda Ethiopia iyo ururka ONLF.
Odayada ayaa sheegey iney ku rajo weyn yihiiin iney gaadhi doonaan danta ay u yimaaddeen oo ah labo arimood. Midda 1aad iney lakulmaan madaxda ONLF uguna gudbiyaan waxii fariin ah ama qoraal ah ee ay kawadaan dawladda dhexe ee Ethiopia. Midda labaadna iney lakulmaan shacabkooda jecel ee kusugan dibadaha kuwaasoo kaalmo aad uweyn kageystey intii ay odayadu hawsha nabadaynta ku jireen.
Isla maanta kulankii jaaliyadda kadib waxaa guurtida qado sharaf usoo sameeyey hooyo katirsan jaaliyadda Ogadenya ee daggan magaalada London. Dadka siyaasadda deegaanka indhaindheeya ayaa waxey qabaan iney taagan tahey fursad qaali ah oo loo baahan yahey in laga faaideyso. Dawladda Ethiopia ayaa muujineysa iney ubaahan tahey iney garabsato dadka Somalida ah ee ree Ethiopia iyadoo cadaadis xoog leh ka heysto qawmiyadaha kale ee Ethiopia.
Kasokoow aabayaashan, adeerada iyo Ugaasyada so wajahay dhaxanta Yurub illaa iyo hadda wax hadal ah kama soo bixin ururka ONLF, waxaase lagu hanweyn yahey in odayada iyo masuuliyiiinta jabhaddu ay foodda is dari doonaan, dadweynuhuna makhraati ka noqon doono, meesha hadal maro.