Godey Foundation waxey xarun u tahay dadka wax soo kordhinaya iyo waliba saldhig loogu talagalay cawinta horumarinta gobolka Godey.
Ujeedooyinkeenu waa:
- Dhisida iskuulo
- Dhimida abaaraha iyadoo lagu caawinayo beeraheyda xifrado iyo fikiro
- Kor u qaadida xiriirka degmooyinka iyo tuulooyinka, iyo
- Sare u qaadida horimarka dadka
Tan weeye ujeedadeenu.
Iyadoo lagu aasaasay gargaarka iyo kaalmada qurba joogta reer Godey, ayey Xarunta tahay urur madax banaan, leh gudigeeda u gaarka ah, waxay dhamaanba kagooni tahay wax urur siyaasadeed ah.
Maxeynu Qabanaa
Godey Foundation waxey caawisaa adkeynta iyo kor u qaadida tayada shacabka iyo madaxdada degmooyinka, iyadoo ka shaqeyneysa xal u helida mushkiladaha faqriga. Waxaanu ka caawindoonaa dhismada dadka, bulshada, iyo hanti ma guuraanka deegaanka taas oo awood u siindoonta shacabka iyo bulshooyinka balaarinta fursadooyin, iyagoo hananaya oo waliba uga qeyb qaadanaya si muhiim ah oo qiimo leh howlada bulshada ay leedahay.
Dhisitaanka bulshooyinka dhinac waliba, waxaanu iskudayeynaa in uu cunugkasta oo reer Godey ah uu helo wadadi iskuul uu ku lehi lahaa. Midnimaa xoojin ah, cilmigaa awood ah iyo fikirkoo waxkasta ah, Godey Foundation waxey si adag uga shaqeyndoontaa xirida daldalooloyinka waxbarasho iyo faqri labaduba!!!
Xafiiska Iskuxirka
Iyadoo raadineysa howsheeda oona ka hirgalineysa himilooyinkeeda degmo kasta oo gobolka Godey ku taal, dhaqdhaqaaqa Godey Foundation waxey abuureysaa fikrado iyo isbadal bulsho. Liisku waa dheer yahay. Waxoogaa tusaale ah, waxaa ka mid ah: habab faa�iido leh oo kor loogu qaadayo furfurnaanta bulshadinka; fikrado cusub oo isbadal loogu sameeyo waxbarashada; skuulo laga dhisayo degmooyinka iyo tuulooyinka, ku caawinta beeraleyda xifrado iyo fikiro; iyo qaab cusub oo lagu hormarinayo nolosha dadka faqiirka ah. Xafiiska iskuxirka ujeedooyinkiisu waa in fikradaha ugu wacan oo balaaran uu wadaago gobolka Godey.
Iyadoo taa latixgalinayo, xafiiska wuxuu u tagan yahay booska xiriirinta haboon iyadoo uu kor u qaadayo fahanka bulshada qurshayaasha waa weyn ee ururka, arimaha ay ka hadlayaan iyo wixi ka soo baxo howshan. Shaqaalaha xiriirka waxey xarun u yihiin shabakadaha iyo joornaaleystayaasha, iyagoo siinaya wararka ku saabsan ururka iyo iyagoo sameeya soo bandhiga xifradaha shaqaalaha barnaamijkeena. Xafiiska waxaa kale oo uu la shaqeeyaa saraakiisha barnaamijka si loo horumariyo qurshaha xiriirka loogu jawaabayo su�aalaha ay qabto bulshada iyo caawinta deeq bixiyayaasha inay xoojiyaan dadaalkooda xiriireed.
Hadaad codsaneyso war dheeraad ah ama lagugu darayo liska email-lada ee xafiiska xiriirka, fadlan email u dir:
[email protected]
|