Shirkii Xisbiga Ee JigJiga oo Qaybtiisii Hore Bilaabatay.
Shirkii Xisbiga SPDP ee JigJiga ayaa maanta waxaa la guda galay qaabkii loo dooran lahaa xubnihiisa Golaha Dhexe. Hawshuna waxay u dhacday sidan soo socota.
-9ka Zones ee Killilka waxaa ka kala yimid Ergooyin ama (Delegates). Tusaalle ahaan Zonka Godey waxaa ka yimid 70 Ergo
-Ergooyinka Zone kastaba waxay Golaha Dhexe usoo sharaxeen 5 xubin.
-Intaas kadib, ayaa dadkii Goballadu soo sharaxeen la hor keenayaa shirweynaha guud oo illaa iyo 600 oo Ergo fadhido
- Shir-weynahaas 600 ee ergo joogto ayaa lagu xulan dadka loo rabo inay noqdaan Golaha Dhexe ee Xisbiga.