Waxaa si rasmi ah usoo diyaariyey Madax xafiisyadan Madaxweynaha iyo Gudigiisa fulinta xisbiga. Hase yeeshee dadka qaar waxay leeyihiin waxaa la go,aamiyey ninka wakiilka u ah dawladda dhexe Atto Gabriel Waahid.
Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa cad in dadka deegaanka ugu badan ay xaqiran yihiin, hase yeeshee, waxaa laga rabaa inay taageeraan Madaxweynaha iyo maamulkiisaba si ay u gaaraan himooliyinka ay higsanayaan ee hormarineed. Madaxweynaha iyo Maamulkiisuna uu qabtaan hawsha loo doortay. Hadii kale waxay noqon is qab-qabsigii uu Killilku caanka ku ahaa khaastan marka madax looga dhigo nin Ogaadeen ah, taasoo, markastana curyaamisa horumarinta Gobalka.