Waxaa bilatay bishii barakaysneed ee Ramadaanka Baritona meelo fara badan oo aduunka ka mid ah ayaa laga soomayaa. Muslimiinta aduunka dacaladooda ku kala nool ayey bishan Ramaadaan u tahay bil kheyr badan oo ninkii sooma iskana ilaaliya danbiyada la iska reebay uu Allah ugu bishaareeyey inuu danbigiisii sanadkii hore laga dhaafayo.
Waxaan dhamaanteenba Allah ka rajeynaynaa inuu na waafajiyo jidka khayrka ah nagana duwo midka sharka ah.