BAARLAMAANKA ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA ITOOBIYA OO SHALAY DIB U ANSIXIYAY MIISAANIYADII GUUD EE DEGMOOYINKA DEEGAANKA
Baarlamaanka ismaamulka soomaalida itoobiya ayaa shalay dib u ansixiyay miisaaniyadii guud ee deegaanka ka dib markii cabasho isdaba joog ahi ay ka soo yeedhay gobolo badan oo aan ku qancin qodobka ugu muhiimsan ee uu baarlamanku u cuskaday markii degmooyinka loo qoondeenayay miisaaniyada. Qodobkaas oo ahaa tirada dadka degmadaasi ama gobolkaasi leeyahay. Degmooyinkan diidanaa ansixintii hore ayaa sheegayay in aysan marka horeba ku qanacsaneyn natiijadii tirokoobka dadka iyo guryaha ee qabsoomay sanadkii 1997kii oo ay ku sheegeen in uu ahaa mid ka fog cadaalada.
Hadaba maamulka cusub ee deegaanka oo arinkaas ka duulaya ayaa sheegay in ay muhiim noqotay in dib loo eego miisaaniyada lana yareeyo faraqa u dhaxeeya cadadka miisaaniyadeed ee ay degmooyinku helayaan.Halkaasna waxaa dib loogu ansixiyay miisaaniyad sanadeedkii degmooyinka deegaanka.
Markaad eegto shaxda degmooyinka iyo miisaaniyada ayaa waxaad arkaysaa in degmada ugu miisaaniyad badan ay noqotay Jigjiga halka ta ugu miisaaniyada yar ay tahay Gunagada,oo waxay kala heleen 5.1million iyo 1.5million waa sida ay isugu xigaane.
Hadaba 6degmo ayaa waxay ka koreeyaan 3million.waxayna kala yihiin: 1.Jigjiga 2.Mooyaale 3.Qabribayax 4.Awbare 5.Godey 6........degmada lixaad dib ayaan magaceeda idinka soo sheegi doonaa.
Halka 23 degmo ay heleen misaaniyad dhan inta u dhaxaysa 2million ilaa 3miliion.
24 tanka kale ayaa iyana helay inta u dhaxaysa 1million ilaa 2million.
Waxaa kaloo naloo sheegay in baarlamanku ansixiyay 10million una ansixiyay 4 ka mid ah magaalooyinka deegaanka.Kuwaas oo kala ah: 1.Jigjiga 2.Godey 3.Qabridahar 4.sHiniile
Waxaa kaloo la ansixiyay miisaaniyada xafiisyada heer kilil.xafiiska jidadka ayaa naloo sheegay in xafiiska Jidadku noqday xafiiska ugu miisaaniyad badan marka la eego heer deegaan wuxuuna helay lacag dhan 37million.