Faallo: Waraysigii BBCdu La Yeelatay Medaxweynaha cusub ee Killilka
Sida ay dad badanba la socdeen maanta waxaa BBCda af-somaliga marti u ahaa oo su,aallo dadweynuhu ay wediinayeen Medaxweynaha cusub ee Killilka Mudane Abdullahi Xasan. Hasee yeeshee, markii ay Godeynews.com wax ka weydiisay waraysigaas dad badan oo maanta dhagaystay suaalaha iyo jawaabahaba waxay sheegen sidan.
a) Marka hore waxay dadku isku wada raaceen inuu Madexweynahan yahay kii ugu horeeyey ee Gobalka soo mara ee horta ogalaada barnaamij noocan oo kale ah oo ay dadku su,aallo ku weydiiyaan, taasoo,ku amaanayn medaxweynaha.
b)Midda kale waxay dadka qaar leeyihiin suaalaha la weydiiyay qaarkood jawaabahooda madaxweynuhu wali si fiican uugama jawaabi karo sida arimaha nabad-galyada iyo su'aal ku saabsanayd ciidamada dawladda waxuu ka samaynayo.
c) Dadka qaar ayaa la yaabay Medaxweynaha jawaabihiisa markii wax laga weydiiyey sida dadka reer Ogadeenia ah ee xaq-darada ugu xir-xiran maamul ku sheega Hargaysa, asagoo ku jawaabay dad meeshaas ku xir-xiran ma ogi iyo waliba inuu aad uga gaabsaday inay jiraan dad si khalad ah ay ciidamadu u xir-xiraan oo ay wadankooda uga maqan yihiin arimo cabsi ah.
Laakiin, dadka qaar ayaa rayigooda madexweynaha ku taageeray aygoo leh waxaa lagu jiraa xili aad u adag marka uma baahnin nin qalafsan oo dhakhsaba ay nimankan dawladda haysta isku dhacaan ee waxuu medaxweynuhu isticmaalay taxadar siyaasadeed asagoo waxyaabo fara badan uga baxay arintaas kama war hayno, hadii ay jirtona waxbaan ka qaban doonaa.
Waxaa kaloo asaguna warysigaas BBCda qayb muhiim ah ku lahaa Mudane Abdullaahi M.Sadi oo ahaa Medaxweynihii ugu horeeyey ee Gobalkaas soo mara runtii Mudane Sadi dadku aad ayey ula dhaceen jawaabihiisii khaastan labo qodob oo uu taabtay sida, dadka loo doorto baarlamaanka oo aan dan ka lahayn meelaha laga soo doorto, sababtoo ah dib uguma noqdaan oo JigJiga masoo dhaafaan marka wax habe yaraatee ay bulshada u hayaan soo dooratay ma jirto. Qodabka kale, oo ahaa markuu ka hadlay dhinaca horumarka waxuu yiri dhaqaalahii gobalka waxuu ku ekaaday JigJiga oo kaliya marka maxaa loo soo dhaafin layahay oo magaalooyinka kale ee dhulka loo gaarsiin la yahay dhaqaalaha heer Gobal, Degmo ama kan wadaagga ah ee ka dhexeeye Killilka oo dhan. Waxuu kaloo Mudane Sadi taabtay 12 sano ayaa kasoo wareegtay xilligii Killilka la sameeyey oo illaa iyo intaas la is dooranay marka maxay u dhici weyday in Xisbiyada Mucaaradka ah ee heer Killil ay kuraas ku guulaystaan sababtu waxaa weeye wali waxaad moodaa inuu meesha ka jiro hal xisbi oo awoodii iyo dhaqaalihiiba haysta ogalayna mucaarad, taasna waxay keenisaa inaan lala xisaabtamin xisbigan talada Killilka haya oo uu waxuu rabo iska sameeyo.
Si kastaba ha ahaatee dadku badnkii waxay isku wada raacsan yhiin inuu medaxweynahan la siiyo taageero buuxda oo dadka reer Ogaadeenia ay xoogga saaraan sidii ay dalkooda dihin ay u barwaaqeyn lahaayeen ugana qayb qaadan lahaayeen arimaha uu medaxweynuhu ku cel-celinayay oo ahaa waa inaan usoo jeedsanaa arimaha horumarka Gobalka sida waxbarashada,caafimaadka iyo beeraha.
Waxaa kaloo akhristayaasha Godeynews.com ay u mahad celiyeen BBCda af-Somaliga oo suurta galisay waraysigan runtiina wakhti fiican siisay dadweynaha iyo Medaxweynaha Gobalkaba.