GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Degmada Ijaara ee Gobalka Waqooyi Bari Kenya oo Mashaariic Horumarineed Ay ka socdaan

Degmada Ijaara ee Gobalka NEP oo ah degmada ugu da,da yar degmooyinka Gobalka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa hadda waxaa ka socda mashaariic fara badan oo lagu hormarinayo deegaanka degmada Ijaara.

Xarunta laga xukumo degmada ee Masalaani ayaa hadda waxaa ka socda tar-tan adag oo lagu tartamayo qandaraasyo la rabo in la bixiyo. Degmada ayaa sanadkan loo qoondooyayey lacag dhan 480Million Kenya Shillings oo ah horumarinta degmada Sanadkan (District Development Funds 2005). Qandaraasyo fara badan oo kala gadisan ayaa hadda la qaybiyey,dhamaantoodna waxaa hir-gelinaya Qandaraaslayaal kasoo jeeda degmada Ijaara. Sidoo kale waxaa jira lacag kale oo dhan 380 Million Kenya Shillings oo loogu talagalay in lagu hagaajiyo Jidadka Magaalada dhexdeeda ah iyo meelo ka mid ah jidka isku xira Masalaani iyo Mombasa oo buundooyin loo sameynayo buundooyin yar-yar ah si markuu roobku da,o uuna jidku xirmin. Sidoo kale, waxaa qeyb weyn ka qaatay horumarinta degmada qurbo joogta iyo ganacsatada u dhalatay Degmada oo si weyn ugu tar-tamayey dhismaha dhulka iyo horumarinta, dadkaas qurbo joogta ah waxay badnkooda ka ganacsadaan Wadanka South Africa.

Sidaas daraadeed ayaa magaalada Masalani oo ah xuranta Degamada Ijaara ayaa labadii sanadood ee ugu danbaysay waxaa ka muuqday isbadal dhinac kastaba ah hadii ay noqoto xagga dhaqaalaha oo kordhay sida (Micro-Economies) iyo hadii ay noqoto xagga beec-mushturka (Retailers iyo Warahouses etc), waxaa kaloo cirka isku shareeray qiimaha dhulka lagu kala gato, ama ha ahaado mid dhul beeraad ah ama mid deegaanba.

Sidoo kale ganacsatada iyo Maal qabeenada u dhashay Degmada Ijaara ayaa waxay direen wafti soo qiimaynaya qaabkii loo dar-dar gelin lahaa isticmaalka dekadaha Raas-Kaanbooni &Buur-gaabo; kuwaasoo oo ka tirsan Degmada Badhaadhe ee Gobalka Jubbada Hoose, xuduud dhaw la leh deegaanka degmada Ijaara. Dekadahan ayaa hadda ka hor loo isticmaali jiray si gaabis ah.


Godeynews Staff
[email protected]

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com