Maamulka Hargaysa oo xasuuqay maxaabiistii reer Ogaadeenya ee uu xabsiyada ku hayey...
Hargaysa, 19 Okt. 2005 (RX) War degdeg ah oo naga soo gaadhay magaalada Hargaysa ayaa sheegay in maanta Arbacada uu maamulka Hargaysa xasuuq ba�an u gaystay maxaabiis ku xidhnayd xabsiga Hargaysa, oo u badan maxaabiistii Ogaadeenya u dhalatay ee muddada dheer sida dulmiga ah loogu hayay xabsiyada Soomaali diidka Hargaysa.
Warku wuxuu sheegayaa in askarta maamulka Hargaysa ay rasaas oodda kaga qaadeen maxaabiistii ku jirtay xabisga Hargaysa, gaar ahaan kuwii reer Ogaadeenya, isla markaana ay dileen tiro aan la garanayn, tiro kale oon la garanaynina ay dhaawacmeen.
Lama garanayo sababta keentay in askarta Hargaysa rasaas ku furaan maxaabiista xaq darrada halkaas ugu xidhan.
Warka oo faahfaahsan dib ayaan ka soo sheegi doonaa..........................