Magaalooyinka Garissa iyo Wajir oo la rabo in midkiiba labo Degmo loo kala gooyo
Madaxweynaha Kenya Mr Kibaki ayaa waxuu xafiiskisa ka magacaabay Guddi soo sameeya qaabkii iyo meeshii laga samayn lahaa 14 degmo oo cusub. Sida uu sheegay wasiirka xafiis medaxweynaha Kenya ayaa yiri gudigan waxay shaqadooda ku soo gaba-gabayn doonaan muddo dhan Bil, marka magaalooyinka la sheegay inay dadku isku badan yihiin loona baahan yahay in laka qaybiyo ayaa waxaa Gobalka Waqooyi Bari kaga jira magaalooyinka Gaarissa iyo Wajir oo ah degmooyin aad u balaaran oo tirada dadka ku noolna lagu qiyaasay in ku dhow ilaa iyo 500,000 oo qof.
Waxaa kale ay dawladdu cadaysay in Degmooyinkii hadda ka hor la sameeyey ee dadka qaar ay ku tilmaami jireen kuwa si siyaasi loo sameeyey (Political District) aynan dawladdu baabin doonin maadaama ay hadda kuwa hor leh samayn doonto, hase yeeshee, dadka qaar ayaa waxay leeyihiin maadaama ay soo dhawdahay afti u qaadidda dastuurka cusub oo la isku haysto (yes/no) ayaa qolyahan dawladda ah ay taageersan yihiin hirgalinta dastuurkan cusub, waxay rabaan inay dadka codkooda ku gataan dagmooyin cusub ayaan idin samayn doonaa doorashda kadibna ay ka tala baxaan. Laakiin waxaa hadalkan laftigiisa laga hayaa medaxweyne Kibaaki inuu yiri maruu joogay Magaalda Nakuru ee Gobalka Rift Valley in Degmada Nakuru loo kala goyn doono 4 degmo oo cusub, sababtoo ah dadkii tiridiisii ayaa xad dhaaf ku noqotay oo hawlihii dawladda dadka shicibka ugu tala gashay ayaan sidii la rabay u gaaraynin, tirida dagmada Nakuuru ayaa waxay gaaraysaa ilaa iyo 1.8million qof.
Hadii ay hirgisho in Degmooyinka Garissa iyo Wajir mid hal degmo laga sameeyo inay Somalida Kenya ay degmooyinkoodu isu geyn noqonayaan 6 Degmo taasoo kor u qaadaysa miisaanka siyaasadeed iyo dhaqaaleba ee Gobalka Waqooyi Bari, maadaama oo dastuurka cusub uu awoodda siinayo degmooyinka, qofkii raba inuu madexweyne noqdana laga rabo inuu taageero badan ka helo Degmooyinka wadanka labo meelood oo meel.