Generaal Maxamed Siyaad Barre
Maanta oo ay taariikhdu tahay 21-ka Oktoobar, kuna beegan sannad guuradii bilowgii dawladdii kacaanka ahayd ee Soomaaliya, waa maalin xusuus ballaaran u leh ummadda Soomaaliyeed, waxana u inta badan la dareemi jirey maanta oo kael, midnimo qaran iyo damaashaadyo. Munaasabadda maanta oo kale waxaa lagu soo bandhigi jirey dhoolla tus militari iyo ciyaaro kala duwan oo dhinaca hiddaha iyo dhaqanka ah.
Sida la ogsoon yahay 21-ka Oktoobar waxay ka mid tahay maalmaha raadka iyo xusuusta ballaaran ku leh ummadda Soomaaiyeed, waxayna ahayd maalintii uu afgembiga aan dhiiggu ku daadan kula wareegey talada dalka Jen.Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1969-kii kadib, markii dhawr casho ka hor taariikhdaas, shirqool lagu khaarijiyey madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo booqasho ku marayey magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool.
Markaas wixii ka dambeeyey waxaa talada dalka si buuxda gacanta ugu dhigay Jen. Maxamed Siyaad Barre oo ku maamulayey dalka xukun militari oo aan laga daba hadlin muddo 21 sano ah.
Waxaa lagu tilmaamaa dhawrkii sano ee ugu horreeyey in ay Dawladdii Kacaanku dalka ka hir geliysey nidaam iyo horumar dhinacyo badan gaar ahaan xagga waxbarashada oo uu maamulkaasi waddanka oo dhan ka hir geliyey qorista iyo akhrista Afka Soomaaliga.
Dad farabadan oo u kuur gala arrimaha Soomaalida ayaa ku dooda in kacaankii dalka Somalia ka curtay 21-kii Bishii Ocobter ee sanadkii 1969-kii uu bulshada Soomaaliyeed u horseeday qaybo badan oo horumar ah hayeeshee dhinaca kalena uu dhaliishiisa lahaa.
Intii ka dambesey dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya ee sannadkii 1977 iyo isku daygii afgembiga ee sannadkii 1979-kii, wixii ka dambeeyey nidaamkii Siyaad Barre dalka waxaa uu ka bilaabay xaalad degdeg ah oo militari, taas oo qoorta loo dheeraynayo xitaa qofkii lagu tuhmo in aanu kacaanka daacad u ahayn.
Cabburiskaasna waxaa ka dhashay mucaaradad xoog leh oo gudaha iyo dibaddaba ah taas oo ay markii dambe ka dhasheen jamhadihii sababta u ahaa dhiciddii rajiimkaas.
Militarigii dalka cagta mariyeyna waxaa uu dadweynaha Soomaaliyeed ku abuuray colaad ay u fekeraan in dhibaatada iyo belaayada keliya ee dalka ka jirtaa uu yahay kacaanka Siyaad Barre.
Hal abuurka Soomaaliyeed oo ah muraayadda laga akhristo dareenka dadka ayaa cambaarayn iyo cilladayn u soo bandhigi jirey maamulkaasi ilaa ay sannadkii 1990 xaaladdu cirka isku shareertay oo si toos ah la isugu bareeray.
Aakhiritaankiina waxaa dalka oo dhan hafiyey mucaaraddad iyo jambado hubaysan kuwaas oo markii dambe ku guuleystey in ay rajiimkii xididdadda u siibaan, maxaase xigey gadaasheed?.
Duufaankii qaaday maamulkii Maxamed Siyaad Barre, ee ay kala hor tageen jabhadihii hubaysnaa, waxaa nasiib darro ah in aanay lahayn hadaf amaba nidaam gura fog oo beddela kii hore taasina waxay sababtay markii uu maamulkaasi meesha ka baxay sannadkii 1991-kii in dalkii dhaco burbur iyo baaba� , kooxihii shalay iska dhinac dagaallamayeyna ay iyagu galaan dagaal sokeeye oo lagu hoobtay, kuna dhisnaa qabiil iyo qab qayb dhaafay.
Taas waxaa ka markhaanti kacaya ereyo suugaaneed uu uu tiriyey abwaan C/qaadir Xirsi Yamyam oo ay ka mid ahaayeen; Muslin bay ku faanaan ma rumaysna diintana, midkii tegey iyo kuwaan yimid midkee roonna lama oran, nabaddii iyo muftaaxii midba wuxuu ku lumay meel, martey dhigatay taladii, rajadii mugdaa galay, ismaandhaaf horlaa yimid, rooxaan iyo masiibo iyo hubkii midig dad buu galay awal fara marnaan jirey, meel uu nageeyaba Ilaah baan marti u nahay, runtii maanta laakiin maal iyo naf laga samir.
Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Sangub, oo isna hal abuurkiisa iyo riwaayadihiisii ku dhaliili jirey muruq maamulkii Siyaad Barre isna qaran jabkii kadib wuxuu arkay in xaaladda haatan lagu jiro iyo wixii uu ka caban jirey ay aad u kala durugsan yihiin, wuxuu dagaalladii sokeeye ee horraantii sagaashanaadkii ku tilmaamay wax ka xun wixii soo maray taariikhda Soomaalida oo dhan waxana ereyadiisa ka mid ahaa; Dad aqoon leh baa yiri, dembiyadii ka dhici jirey dalkan aynu leenahay, soddon gu� iyo doogaad, duhur galay dharaar qura xisaabihii la daabacay, daalacan tanaa dheer.
In laga sheekeeyo afgambigii 69-kii iyo kacaankii Siyaad Barre maaha waxa lagu soo koobi karayo hal qormo iyo laba midna ee waxaan qormadan ugu talo galnay xusuusta sannadguurada mid kamid ah taariikhaha ugu caansan Soomaaliya oo ah 21 Oktoobar taas oo aynu maanta sannad guuradeedii 36-aad joogno.
Maxamuud Faarax Bile [email protected]
|