Shirkadaha Shidaalka baadha oo aad ugu soo badanaya guud ahaan wadanka Ethiopia gaar ahaan Gobalka Ogadenia. Tusaale ahaan labadii sano ee ugu danbaysay waxaa dawladda Ethiopia bixisay 5 Licence oo 4 ka mid ah lagu bixiyey Gobalka Ogadenia iyo Gambelleha. Shirkadahan qandaraaska Gobalka Ogadenia la siiyey waa labo shirkadood oo Malaysian ah oo kala ah,(Petronas iyo Pexco) shirkadan danbe waxaa shatiga la siiyay todabaadkii hore taasoo lagula heshiiyey inay Gobalka Ogadenia ay ka soo raadiso shidaal hor leh.
Toban sano ka hor ayaa sidan oo kale waxay dawladda Ethiopia heshiis la gashay labo shirkadood oo American ah( Hunt and Maxus) laakiin muddo yar markay hawsha wadeen way iskaga baxeen wadanka waxayna sheegeen inay uga baxeen labo sababood dartood. Shirkadoo dhaqallo xumo ay ku dhacday iyo Nabad-galyo xumo ka jirtay deegaanka. Sidaad laga war hayo baadhista shidaalka Gobalka Ogadenia waxuu billabmay 1950s Shirkadihii baadhayey ay kamid ahaayeen shirkado American,Germal iyo Ruushka. Ugu danbaystii shirkidihii shidaalka baarayay 1960s-70s ayaa helay (Ogaden Basin) gaar ahaan JEEXDIN iyo ELELE. Hadaba, shirkadihii Maraykanka waxay heshiin waayeen Mengistu markuu xukunka qabsaday, kadibna waxaa hawshii baadhista la wareegay Ruushka.
Sidoo kale Killilka AFARta ayaa shirkad American ah lagu siiyey qandaras inay ka raadiso shidaal cusub halkaas. Laakiin, waxay qowmiyadda Afartu usheegeen dawladda dhexe inay rabaan inay aygu la xaajoodaan shirkadaha qodaya shidaalka oo ay isla ogolaadaan xaquuqda ay ku yeelanayaan horumarka dhaqaalle ee shidaalku keeno. Arintan ayada ah ayay dawladda dhexe ogolaatay oo loo gudbiyay golaha wasaaradaha. Waxaana hadda wadahadal usocdaa Guddi ka socda qowmiyadda Afarta iyo shirkadan Americanka ah.
Marka Godeynews waxay isku dayday bal inay ogaato in masuuliyiinta Killilka ay wax ka ogyihiin heshiisyadan ay dawladda dhexe ay la galayso shirkadahan cusub ee shidaalka ka qodaya Gobalka Ogaden, waxay kaloo u bandhigaysaa dawladda ismaamulka gobalka inay arintaas ka bixiso faah-faahin khusaysa baadhitaanka shidaalka ee ka socda Gobalka.
Waxaa iyana yaab leh inay dawladda dhexe iska indha-tirto xaquuqda iyo xaqqa ay qawmiyad walba u uleedahay waxii manaafic ee dhulkooda ku jira, ayagoon lagala tashanin inay dawladda dhexe siday rabto ka yeesho.
Tusaalle ahaan khilaafyadii ugu danbeeye ee Africa ka dhaca ee shidaalka ku saabsanaa, sida Sudaan iyo Nigeria oo la isku haystay xaquuqda ay qowmiyaduhu u leeyihiin dhaqaalaha shidaalka dhulkooda kasoo baxa.