Meelo fara badan oo kamid ah Gobalka Ogaadenia ayaa roobab fara badan ka da'een. Magaalada Godey ayaa roobkii ka bilawday saaka subaxii uu wali ka da'ayo hadda oo ay saacadda afrikada bari tahay23.00hrs. Sidoo kale roobabkan waxay aad ugu da,een meelo fara badan oo degaanka gobalka ka mid ah sida degmooyinka Dhanaan iyo Cadaadle. Roobku waxuu kaloo gaaray meelo fara badan oo ka mid ah Gobalka Godey.
Roobabkan hadda curtay ayaa dadka ku nool deegaanka ay aad ugu diirsadeen,iyadoo ay hadda xoolaha nugulka ah ay aad u jilicsanaayeen roob la,aan darteed. Dadka deegaanka ku nool ayaa caadi ahaan noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool oo ah laf dhabarta noloshooda. Dadkan xoolo dhaqatada ah ayaan wax kaalmo ah ka helin ismaamulka Killilka ee JigJiga, ismaamulkaas oo baabiyey mashruucii ugu weynaaa ee gobalka ee loogu talagalay daaq siinta xoolaha(SERP), mashruucaan oo xaruntiisu ahayd magaalada Godey ayaa gebi ahaanba u bur-buray maamul xumada & musuq-maasuqa ka jira Killilka.
Waxaa kaloo Godeynews soo gaaraya warar ku saabsan in Medaxweynaha Killilka mudane Abdullaahi Xasan uu markuu soo noqdayba bilaabay hawlihii dhamaystirka dawladda xafiisyadeeda kala gadisan ee aan wali dad loo magacaabin,sida Wasiir ku xigeenada, maarayeel iyo Gudoomiyo Goballeedyada, waxaana la filayaa in dhamaytirka dawladda lasoo gaba-gabeeyo illaa iyo dhamaadka bishan Oktoobar.