45 Soomaali ah oo ku xaniban xuddudka u dhexeeye Tanzaania iyo Zambia
Dhalinyaro soomaali ah ayaa in muddo ah ku xaniban xuduudka u dhexeeye wadamada Tanzaania iyo Zaambiya. Dhillinyaradan ayaa waxay iskugu jiraan kuwa reer Kenya ah oo wata baasbooro Kenyaan ah iyo kuwa reer Ogaadenia ah oo ka kala yimid Ethiopia iyo Soomaaliya. Dhallinyaradan waxay ahaayeen kuwa u tacabiraya Koonfur Afrika, hase yeeshee, waxaa loo diiday inay galaan wadanka Zambia dibna ugu soo noqdaan Tanzaaniya. Waxaa Godeynews la soo xiriiray nin lagu magaacaabo Cabdi Risaaq Sh. Xasan Hirmooge oo ka mid ah dhallinyaraas tabaalaysan ee xuduudka ku xaniban, waxuuna A/risaaq ka sheekeeyey dhibaatada ku heysata xuduudka labada wadan u dhexeeye.
Arimahan noocan oo kale ah ayaa intii ay dawladdii Soomaaliya bur-burtay ah kuwa mar kastaba ku dhaca dadka Soomaalida ah ee tacabirka u socda, dadkan ayaa sida qaalibka dhilinyaro u badan, laakiin, waxay aduunka dacaladiisa kala kulmaan dhibaatooyin kala gadisan, hadii ay ahaato kuwa badda soomaaliya iyo Yeman u dhexeysa doonyo kula qalibmaan oo ku dhamaada iyo hadii ay noqoto kuwa badan oo ku xir-xiran xabsiyada wadamada Africaanka ah ee u dhexeeye Kenya iyo Koonfur Africa. Sida la wada ogsoon yahay soomaalida dhibaataysan ayaan lahayn dawlad u dooda,sida qaalibka ahna aan haysanin cid kale oo caawisa.