Xalada Maxaabiista ee ku xidhan Jeelka Hargaysa ayaa maalin walba ka sii daraysa...
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in xaalada maxaabiista Ogaadeeniya ee ku xidhan Jeelka Hargaysa ay maalinba maalinta ka dambeysa ka sii darayso.
Dhacdadii u danbaysay ee bishan Oct 19, 2024 ayaa ahayd mid lagu jidhdilay maxaabiista iyada oo ay aad uga soo gaadhen dhaawacyo farabadan, haba ugu daraadeen lixdan wiil oo kala ah:
Wilashan lixda ah aya waxay ka jajabanyihin Lugaha, Gacmaha iyo Feedhaha. Waxaa intaas u dheer garaaca kale ee aan meela jabin. Balse dhibka waxaa la wadaaga wiilasha kale ee laxidhan dhamaantood, kuwaas oo uu wada gaadhay dhawuucu haba ugu daraadeen 6-da kor kuxusan ayaa ah kuwo aad u dhiban una baahan kaalmo caafimaad oo degag-deg ah.
Hadaba iyada oo aan ilaa hadda lahayn xaqiiqda jirta dadkana loo diiday in ay galaan jeelka si ay u arkaan dhibka gaadhay maxaabiista, ayaa mar uu ka hadlay arinkan Wasiirka Asluubta ee Maamulka Hargaysa wuxuu sheegay "in wax laga qaban doono dhibka dhacay", laakiin ilaa hada ma dhicin in xitaa Dhakhaatiir loogu geeyo Jeelka duqoobay ee ay ku xidhanyihin mudada ka badan sanadka iyo badhka.
Waxa iyana jirta in xaalada guud ee ay ku sugan yihiin dhamaan maxaabiista jeelashaasi in ay aad u liidato. Raashinka, hoyga iyo daryeelka caafmiaad ayaa waxaa in badan ka deyriyay ururada xuquuqul insaanka ee Hargeysa oo ku tilmaamay xaalad aad u xun. Dhibkaas iyo kuwo kadaran ayay qabaan maxaabista Ogadeniya ee ku jirta jeelka Magaalada Hargeysa tan iyo dabayaaqadi sanadkii 2003