Saddex xubnood oo loo saaray inay soo dhisaan maamulka Killilka Soomaalida intiisa laaban
Maamulka Killilka Soomaalida ee uu madaxda ka yahay Mudane Cabdullaahi Xasan ayaa waxuu ku guda jiraa qaabkii loo soo dhamays tiri lahaa shaqaalaha xafiisyada Killilka kuwooda haray ee muhiimka ah. Dadka codsiyada soo gudbistay ayaa ka tira badan, xafiisyada shaqaalaha u baahan,mararka qaar dadka badankiisu hal shaqo ayey wada dalbadaan.
Sidaas darteed maamulku waxuu u doortay 3 xubnood inay soo kala saaraan codsiyadan faraha badan,kana soo reebaan dadka ay u arkaan inay hawsha kasoo baxi karaan oo ay Madexweynaha usoo gudbiyaan.
Masuuliyintan ayaa Saddexdii maalmood ee ugu danbaysay ku guda jiray qaabkii iyo sidii ay ku kala saari lahaayeen codsiyadan faraha badan, hase yeeshee wali nama soo gaarin wax sharaxaad ah oo ku saabsan qaabka iyo waxa ay ku kala qiimaynayaan codsiyadan.