Boqorka cusub ee Sacuudiga oo Amray in la siiyo shaqaalaha Sacuudiga 1 bil oo mushaar (free) ah
Boqorka cusub ee dalka sucuudiga boqor cabdallah Bin C/casiis ayaa munaasabaddii la wareegidda dhaxaltooyada xukunka ku sheegay in mushaar kordhin dhan 15% boqolkiiba ah in loo sameeyo dhamaan shaqaallaha Boqor-tooyada Sacuudiga iyo in qofkasta oo kamid ah shaqaalaha boqortooyada la siiyo hal bil mushaarkeed (I Month Free Salary)
Bilihii la soo dhaafay ayuu walaalkii Boqor Fahad ka geeriyooday xukunka dalkaas isagoo ka talinayey muda dheer. Talaabooyin kan uu qaaday boqorka cusub ayaa waxay qayb ka yihiin is badalada uu ku doonayo isku dhawaansho shacabka iyo qoyska reer Boqor, taasoo aan hadda ka hor jirin.