WFP oo cuntada macaawinada ah ee Soomaaliya dhulka marin doonto
Hayadda cuntada ee WFP ayaa waxay billaabaysaa bisha November in waxii macaawino ah ee Soomaaliya u socda la marinayo dhulka, maadaama ay doomihii macaawinada ee badda ay la kulmeen ugaadhsi aad u badan oo illaa iyo 5 doomood la afduubay bishan kaliya iyo waliba 2 doomood oo ay bilihii June iyo October oo WFP kiraystay oo iyagan lagu afduubay xeebaha Soomaaliya.
Go,aankan cusub waxaa ku dhawaqay ku xigeenka madaxa WFP Mr Leo van der Velden laakiin waxuu sheegay in go,aankan cusub uu yahay mid ku meel gaar ah maadaama aanu mid macquul ah dhaqaalle ahaan oo dhulka maritaankiisu ay tahay mid dhaqaalle ahaan ka qaalisan badda maristeeda.
Cuntada hadda la rabo in soomaaliya la geeyo ayaa ah illaa iyo 300 Tonnes oo (Maize) ah, 600 Tonnes oo Qamandi ah iyo 100 Tonnes oo Digir ah.
Illaa iyo hadda Soomaalidan shuftada ah badda ka ugaadh sada ayaa waxay haystaan 9 qof oo Kenyaan ah iyo doontoodii oo ay madax furasho u haystaan sidaasna waxaa yiri shirkadda maraakiibta ee Mombasa ee(Karim Kudrati ).