BBCda oo sii daysay Xalay barnaamij ku saabsan colaadda u dhaxaysa Palestine iyo Isreal(The Elusive Peace between Israel & The Arabs)
Barnaamijkan ayaa ahaa mid soo saaraay waxyaabo fara badan oo aan hadda ka hor warbaahinta aduunku soo saarin, sida go,aanki ay dawladda maraykunku iyo Isreal ay wada qaateen in aduunka laga go'doomiyo Yassir Arafat iyo qaabkii uu Collin Powell 2001/2002 iskugu dayay inuu is taajiyo Intifaadada Falastiinyiinta oo markaas meel xun maraysay.
Barnaamijkan ayaa ka koobnaa 3 qaybood oo kala ah; Xilligii Medaxweyne Clinton (1999/2000), Yassir Araft&Colin; Powell (2001/2002) iyo qaybta seddaxaad oo ahayd Sharon iyo Bush(2003/2005) oo illaa hadda aan dhamaanin.
Waxyaabaha meesha laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa sidii uu Colin powell uu kaligiis dhinaca maslaxada uu jeclaa meesha dhinaca kale oo ahaa Dick Cheney, Rumsfield iyo Condaleeza Rice ay u diidanayaan rayiga Colin powell oo ay u fashilinayeen marar badan oo uu isku dayay inuu kala dhex galo falastiiniyiinta iyo Isrealiyiinta ayagoo markastaba culays saarayay Bush oo xitaa maruu u aaday inuu wada hadalsiiyo labadan qolo oo shir ku qabto Jordan ama Masar ay fashiliyeen oo madexweyne Bush lagu yiri colin powell wakhtiga ayuu dhuminayaa arimihii Iraaq ee dagaalkana wuu fashilinayaa ee si deg-deg ah ha u soo galo Washington,taasoo Bush sameeyey.
Waxaa kale la is tusay inay Saciidiyiintu wax ka ogaayeen dagaalka Iraaq kaasoo ay boqor Cabdallah uu Bush ku yiri arintii aan isku ogayn waan baxaynaa hadii aada Sharon u sheegin inuu istaajiyo bur-burinta xarunta falastiiniyiinta oo uu Arafat markaas ku jiray.
Arinka kale e uu barnaamijkan lagu soo qaatay ayaa ahayd Sharon oo wax kasta uu rabo sameenayey markasto oo uu Maraykanku dhaho istaaji hawshaas uu haddana midkale oo tii ka daran samaynayey,tusaalle ahaan waxuu yiri waxaan ka bixi Gaza laakiin W.Bank kama baxayo mana aqoonsini 1967 xaduudki ahaa, Qaxootiga falastiinyiinta masoo noqonayaaan iwm taasoo uu Bush ku raacay,iyo qaabka loo sameeye(Road Map) lasheegayo in rabo in 2 dawladood lagu sameeyo iyo sida ay xaqqiqda uga fog tahay inay Isreal iyo Maraykankuba waligood ogalaadaan dawlad falastiin la dhaho.
Barnaamijkan ayaa ahaa mid aad u dheer oo waxyaabo badan lagu soo ururiyey laakiin Godeynews intaas ayay akhristayaasheeda ugu soo koobaysaa.