Hayadda Ogaden Welfare and Development Association(OWDA) iyo Safiiradda Maraykanka u fadhida Ethiopia oo Mashruuc kala saxiixday
Hayadda OWDA ayaa ka hawl gasha meelo fara badan oo gobalka ka mid ah waana hayad balaaran oo gobalka hawlo badan ka qabata,waxyaabaha ay wax qabato waxaa kamid ah Biyo Qodida, Caafimaadka, Waxbarashada, beeraha iyo dhamaan arimaha bulshada ee Gobalka. OWDA waxay wada shaqayn ka dhaxeysaa Hayaddo fara badan oo caalami ah iyo kuwa wadanka gudihiisa ku suganba.
Marka todabaadkii hore ayaa Ayan Abdalla Hashi oo ka mid ah madaxda hayadda (OWDA) iyo Safiiradda dawladaa Maraykanka u fadhida Ethiopia Ambassador Vicki Huddleston ayaa waxay kala sixiixdeen mashruuc lagaga hor tagayo Gudniinka Fircooniga ah ee Gobalka Soomaalida. Gudniinka fircooniga ayaa ah mid ku badan deegaanka Soomaalida, hase yeeshee aysan diinteenu banaynin,sidoo kale waxaa aad looga cabsoonayaa inuu sii faafiyo cudurada faraha badan ee aduunka kusoo badanaya sida (HIV Aidska), maadaama ay dadka wax gudaya iyo qalabaka la isticmaalayo labaduba ay helis yihiin in sii gudbiyaan cudurada la isu gudbiyo.