Tariq Aziz oo beenayay inuu Maraykanka u gudbiyay magaca George Galloway UK MP
Tariq Aziz ayaa waxuu beenayay inuu Maraykanka u sheegay in George Galloway MP uu ka qaadan jiray lacag xukuumadii hore ee Saddam. Arintan ayaa guddiga baadhaysa ee dawladda Maraykunka waxay sheegeen inay Tariq Aziz inuu u sheegay in Goerge Galloway uu lacag ka qaadan jiray saliida sida sharci darada ah loo iibin jiray,taasoo hadda ka hor George Galloway uu guddigaas hortooda ku beeneyay inay jirto. Qareenka u dooda Tariq Aziz mr Badia Aref ayaa waxuu sabtidii sheegay inuusan Tariq Aziz Maraykanka u sheegin arinkaas ayna tahay been iyo dacaayad uu Maraykanku ka danbeeyo.
Sidoo kale Taariq Aziz ayaan illaa iyo hadda wax danbi ah oo lagu soo dacweeyey aysan jirin, xaaladiisa caafimaadna ay aad u liidataa, waxuu kaloo diiday inuu makhraati ku furo danbiyo fara badan oo lagu soo dacweeyey Madexweynihii hore ee wadanka Iraq Saddaam Xuseen.