Degmada Da,da Yar ee Guna-Gado oo Xaflad Weyn Lagu Qabanayo
Degmada Guna-gado ayaa ah degmadii ugu danbaysay ee baarlamaankii hore ee Killilka Soomaalidu u ansixiyeen inay dagmo buuxda noqoto,ayadoo heshay xaqeedii miisiinaydeed oo heer degmo ah,sida degmooyinka kale ee Gobalka.
Hase yeeshee, waxaa la filayaa in wafti ballaran oo ka kooban 30 xubnood oo Medaxweynuhu Killilku wato ay Magaalada Guna-gado xaflad kaga qayb galaan,taasoo loogu tala galay samaynta degmada cusub,waxaana la filayaa in xoolo aad u badan lagu qali doono oo loogu mash-xaradayo degmada cusub oo dadka reer Guna-gado mar hore in loo sameeyo,xaq u lahaayeen.
Sidoo kale waxay masuuliyiintu indhahooda kusoo arkayaan baahida degmada cusub iyo waxyaabaha aas-aasiga ah ee degmadu u baahan tahay. Waxayna ka qayb qaadanayaan furitaanka xafiisyada loogu tala galay in maamulka degmada imaan doona ku shaqeeyo.