Ethiopia: 11 Qof Ayaa Ku Dhintay Weerar Lagu soo Qaaday Police Station Ku Yaalla Gobalka Gambella
Dagaal lagu qaaday Station Police ku yaalla Gobalka Gambella ayaa waxaa ku dhintay 11 qof oo 4 ka mid ah ay yihiin Police mid kamid ahna yahay Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada policka Konfur-Galbeed ee Gobalka Gambelle. Dadkan weerarka ku qaaday stationka ayaa waxay ahaayeen illaa iyo 10 qof oo aad u hubaysan kuwaasoo habeenimadii qaaday weerarka dilayna 4 askari kadibna weeraray police Commisionka Gobalka Gambellaha.
Sida laga soo xigtay Gudoomiyaha Nabad-galyada Gobalka Senday Gach ayaa waxuu sheegay in 6 kamid ah dadkaas weerarka soo qaaday la dilay, kadib markii ciidamada qalabka sida raacdaysteen.
Mr Sendy ayaa waxuu sheegay inaan la garanaynin cidda weerarkan ka danbaysay, laakiin ay jiraan qolyo jidadka istaaga oo dadka shicibka dhaca kuwaasoo istaajiya baabuurta soo galaya ama kasii baxaya Gobalka Gambellah.
Laakiin dadka siyaasadda Gobalka Gambellah ka war haya ayaa waxay ku tilmaamayn inaysan dadkan ahayn tuugo iyo bandits ee ay yihiin dad ayagu kasoo hor jeeda maamulka guud ahaan ayna raadinayaan xaquuqdooda ka maqan.
Sida la wada ogahayna 2 sano ka hor ayaa dawladda Maraykunku ku eedaysay ciidamada dawladda dhexe inay gumaadeen dad shacab ah oo reer Gambella ah.