Madaxweyne Kibaki oo balan-qaaday in buundada qabyada ah ee magaalada Masallaani la dhamaystiri doono January2006
Madexweynaha wadanka Kenya Mr Kibaki ayaa maanta kulan dheer la yeeshay masuuliyiin ka socda dawladaha hoose ee 4 degmo ee gobalka waqooyi bari ka kooban yahay. Mar wax laga waydiidyey dhamaystirka Buundada magalada Masallani, ayaa waxuu Madexweynuhu balan qaaday in Buundada mudada dheer qabyada ah ee Magaalada Masallani ee Degmada Ijara la dhamays tiri doono bisha Jan2006,ayadoo isku xiri doonto magaalada Mombasa iyo Masallaani wax badan ka badli doonto isku socadka ganacsatada labada dhinac oo hadda mara buundada Garseeni iyo Qotilay u dhaxaysa oo ka duragsan magaalada Masallaani.
Waftigan ayaa kala hadlay madaxweynaha arimaha horumar la,aaneed ee guud ahaan ka jira Gobalka Waqooyi Bari, sida jidad xumada,waxbarashada oo liidata iyo abaaro daran oo dad iyo xoolaba wax yeeleeyey.
Hase yeeshee, Mr Kibaki waxuu u balanqaaday in ay dawladdu ka dhab tahay inay dhibaatooyinkaas wax ka qabtaan,markuu ka hadlayey arimaha abaaraha ayaa medaxweynuhu isla markiiba amaray masuuliyiin dawladiisa ka mid ah inay wax ka qabtaan,dhinaca waxbarashada waxuu yiri dawladdu way ka warhaysaa in illaa iyo 700 macallin looga baahan yahay Gobalka.
Waxuu Mr Kibaki usheegay masuuliyiintaas in lagu jiro qorshihii lagu dhisi lahaa jidadka isku xira Isiolo-Wajir-Mooyaale iyo Magaalada Garissa jidadka soo gala. Laakiin, madaxweynahu mar wax laga weydiidyey in degmooyin hor leh loo sameeynayo gobalka,waxuu yiri arintaas wali waxay u baahan tahay wada tashi iyo in baaritaan meelo fara badan laga sameeyo.