America oo xoogaga mucaaradka ku eedaysay rabshadaha ka socda Addis ababa
Af-hayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Maraykanka Mr Sean McCormack ayaa si kulul ugu eedeeyay xoogaga mucaaradka inay u qasteen inay abaabulaan rabsahadahan keenay dhimashada iyo dhaawacaba ee ka socda Addis ababa labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxuuna yiri waa wax laga xumaado ah in xoog la isu isticmaallo si ula kaca ahana lagu sii abuuro wadanka amaandaro iyo nabad-galyo xumo.
Sidoo kale waxuu dawladda u jeediyay inay magaacaabaan guddi madax banaan oo soo baarta dhibaatada jirta iyo eedaha mucaaradku ay dawladda ku eedaynayaan,kuwaasoo la xiriirta doorashooyinka 15 May ka dhacay wadanka. Mr Sean ayaa dawladda Ethiopia u jeediyay inay si deg-deg ah usii daayaan xubnaha mucaaradka ah ee xir-xiran khaastan kuwooda madaxda ah inay si fiican oo ula dhaqmaan oo ay si deg-deg ah maxkamad u keenaan hadii ay danbiyo ku eedeynayaan.
Sidaas si la mid ah ayuu mucaaradka ka codsaday inaynan wadanka ka abuurin jawi nabad-galyo xumo oo ay dib uga laabtaan hadalkoodii ahaa inuu shacabku amar diido bilaabo oo dawladda laga amar qaadan waayo,taasoo si kordhinaysa xasilooni darida jirta. Xoogagga mucaarad kuna waa inay ka qayb qaataan baarlamaanka oo ay ogolaadaan natiijada doorashadii ka dhacday wadanka bishii May.