Kibaaki: Ayaa loo keenay warbixintii guddiga samaynta degmooyinka cusub
Guddidii khaaska ahayd ee soo diyaarinaysay 14 degmo ee cusub iyo walina qaabka iyo meelaha degmooyinka cusub laga samayn doono ayaa hawshoodii soo gaba-gabayey oo qoraalkoodii kama danbaysata ahaa u gudbiyay madaxweynaha wadanka Kenya Kibaki oo asagu leh go,aanka kama danbaysta ah.
Guddigan ayaa waxaa bil ka hor laga magacaabay xafiiska madexweynaha ayagoo loo xilsaaray inay soo habeeyaan qaabka loo samayn doono degmooyinka cusub,soona sheegaan meelaha u baahan in degmooyin cusub loo sameeyo. Waxaa la rejaynayaa in hadii degmooyin cusub la sameeyo ay Soomaalida Gobalka Waqooyi Bari heli doonaan ugu yaraan 2 degmo.