Labo qof ayay policeku toogasho ku dileen maanta oo Khamiis ah, kadib markii rabshadihii mar seddaxaad ay ka bilawdeen Addis ababa. Labada qof ayaa ku kal dhintay labada Isbitaal ee Zewditu iyo Black Lion, sidaadsna waxaa yiri dhakhaatiirtii isbitaaladaas ka shaqeenayey,ayagoo walina sheegay inay daawaynayaan dad dhaawac ah oo uu ku jiro wiil 11 jir ah.
Dadka ku dhintay rabshadahan saddexda maalmood socday ee ay iskaga soo horjeedaan mucaaradka iyo dawladda ayaa waxay gaadhayaan illaa iyo 36 qof. Kac-doomadan siyaasadeed ee iskaga soo hor-jeedaan mucaaradka iyo dawladda ayaa ah kii ugu xumaa ee sanado soo mara Ethiopia.