Raisul Wasaaraha Ethiopia Zenaawi iyo wafti ballaran uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Bonn ee wadanka Germany asagoo ka qayb gali doona shir ay iskugu imaanayaan madaxda Jarmalka iyo kuwo wadamo fara badan oo African ah. Hase yeeshee, waxaa jira is abaabul ka socda wadamada Yurub oo lagaga soo horjeedo imaanshaha Zenaawi oo ay abaabulayaan taageerayaasha xoogaga mucaaradka Ethiopia, ayagoo ku eedaynaya rabshadaha ka socda Addisababa.
Shirkan ayaa waxaa wada Madexweynaha dawladda Jarmalka Horst Koehler's waxuuna ku saabsan yahay qaabkii wada shaqayn khaas ah uga dhaxayn lahayd wadamada Africaanka ah iyo kuwa warshadaha horay uga maray.
Wadamada kale ee madaxdoodu shirkan ka soo qayb galayso ayaa kala ah Nigeria,South Africa, Mozambique iyo Madax African Union Alpha Omar Konare. Sidoo kale waxaa shirka lagu martiqaaday dad aqooyahano ah oo Africaan ah sida Wole Soyinka oo Nigerian ah.