Wardagdag ah: Warqad uu madaxwaynaha Kiliku u diray Malas Zenaawi iyo magacyada guddi lix ah oo loo saarey
Madaxweyanah deegaanka Somalida Cabdulaahi Xasan oo warqad fuarn u direy Zenawi ayaa ku caddeeyey warqdaddiisa in maamulka deegaanka Somalidu uusan aqood u laheyn iney joojiyaan colaadda ka aloosan deegaanka Raaso.
Waxuu sidoo kale Cabdullahi Xasan warqdadiisa kaga codsadey Zenawi inuu u amro ciidamada dawladda sidii ay hubka ug adhigi lahaayeen beelahaas una kala diri lahaayeen. Warqaddan ayuu madaxweynuhu ku caddeeyey in colaaddahan ay ka danbeeyaan ururo nabad diid ah. Waxuuna kadib us aarey arintaas guddi kakooban 6 nin.
Warqaddan oo Afxabashi kuqorneyd oo aan aan turjumey waxay aheyd sidan:
Dawlada Deegaanka Somalida .
Xafiiska Madaxwaynaha . Ku:Mudane Ato Malas Zenaawi-Raysul Wasasaraha jamahuuriyada Dimuquraadiga Fedaraalak Itoobiya iyo Taliyaha Ciidamada Gaashaandhiga ee Etoobiya
Ujeedo:Codsi In Awaamiir Naloosiiyo Ciidamada Fadaraalka Si ay u Faragaliyaan Isku dhaca Qabiil Ee Iimay Bari Iyo Agagaagrka Raaso Ee Kilikeena.
Sida ku cad ujeeddada xagga sare ee warqaddan waxaa bishii Hamle ee 1997 E.C kadhacey dagaalo beeleed agagaarka Iimey iyo Raaso iyadoo ay arintani ka weyntahey awoodda Kililka inuu waxkaqabto.Sidaa darteed waxaan codsaneynaa inaad amar noosiiso ciidamada dawladda si ay joojiyaan dagaalka iyo garabna usiiyaan hawlaha dadaalka odaytinimo ee Kililku wado warqadda sumaddeedu tahey LU58/5463/97 ee ku taariikheysan 18.11.97 E.C. Talaabadii dagdagga aheyd ee arintaas laga qaadeyna si xushmed leh ayaan u xusuusannahey.
Inakstoo si isdaba jooga ah heer Kilil la isugu dayey in dhibaatadan si nabadgalyo ah lagu xaliyo, haddana natiijadii ladoonayey lama helin..
Ciidamada Gaashindhigu waxay door wayn ka ciyaareen xaga ilaalinta natiijadii dadaalka ee Kililka ayagoo oo galay gudaha isku dhaca si ay u baajiyaan waxyeelooyinkii naf iyo maal soo gaadhi lahaa iyagoo muujiyaay dulqaad aan xad lahayn.
Diyaargarowga isku dhaca qabiiilada halkii uu qaboobi lahaa maalinba maalinta ka danabaysa intuu sii xoogaysatay wuxuu gaaray heer ka sareeraysa awoodda kililka isla markaana nooma muuqato in ciidamo difaac oo uu xil qaran oo wayn saaran yahay in ay u dabranaadaan isku dhaca qabiilka oo ay maleegaan xoogagga nabad diidka .
Anagoo hawlihii dadaalka hawl gudiyeedka ee xal uraadinta dhibaatada halkeeda ka sii wadna , waxaan doonaynaa in ay ciidamada Fadaraalka dhex galaan dadka hubaysan ee labada qabiil ka tirsan oo hubka dhigidooda iyo kala diridooda ,talaabadii u arko nabad, daganaansho keenaysa ay si miisaanan oo haboon ay nooga qaadaan in uu Kilalku doonayo anaga oo cadaynayna in ciidamada awaamiirtaas naloo siiyo ayaan si tixgalin wayn leh u codasanaynaa .
Mahadsanid Sixiix____________
C/laahi Xasan Muxumed Madaxwaynaha D.D.S
Kadib warqadaas, madaxwaynuhu wuxuu magacaabay Gudi la shaqayanasa ciidamada Fedaraalka. Gudigan oo ka kooban 6 xubnood waxay kala yihiin :
1-Cabdi C/laahi xubbin baraalamaka ah. 2- Cumar Macalin Maxamed xubin golaha barlamaanka ka tirsan oo laga soo dooratay dagmada DHUXUN.
3- Faysal Daahir Xaashi xubin golaha barlamaanka ka tirsan oo laga soo dooratay dagmada DHUXUN. 4- Maxamed Mataan Xafiiska Caddaalada Kilalka . 5-Laba Xidigle C/Salaam Sheekh Maxamed wakiilka komishinka Booliska ee kilika 6-C/salaam Maxamed Gudoomiyaha dagmada Iimey Bari
Wuxuuna ku amrey gudidaas arimahan hoos ku qoran: 1.Inaad si nabad galyo ah ula hadashaan qabiilada ,islamarkaana aad suura galisaan sidii ciidamada qabiilada ee goobta dagaalka diyaarka ku ah looga rari lahaa loona geyn lahaa meeshii ay ku noolaayeen iyadoo oo la adeegsanayo wakiilada qabiilada .
2.Ciddii diida inay si nabad galyo ah uga baxdo goobta dagaalka ee labada qabiil ka tirsan ee hubaysan ,hub ka dhigadooda iyo kala diridooda dhaq dhaqaaqyada iyo hawl-galada ay ciidamadu Federaalku samaynayaan waan inaad caawisaan,isla markaana aad fulinta hawlahaas ilaa ugu damabaynta aad ka qayb qaadataan.
3.Ugu damabeyntii inaad xaaladda fulinta warbixin ka soo gudbisaan ayaa mas�uuliayada buuxda la idiinsiiyay waxaana la idiinku wargalinayaa in goobtaas la idiin diray..