Kenya: Ali Mwakera, Kipligat iyo Affey oo Ku soo jeeda xarunta DKM ee Jawhar
Wararka naga soo gaaraya Nairobi ayaa sheegaya in Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya iyo Wafti uu hogaamainayo ayaa barito kusoo jeedaanxarunta DKM ah ee Soomaaliya Jawhar.
Waftigan ayaa waxay dawladda Kenya uga qayb geli doonaan shirka ka dhici doono Jawhar maalmahan soo socda, oo ay iskugu imaanayaan dawladaha ku midoobay(IGAD). Shirkaan ayaa waxaa lagaga hadlayaa qaabkii iyo sidii taageero buuxda loo siin lahaa dawladda KMG ee Soomaaliya, ayadoo muddo hal sano ah ay Wasiirada hubaysan ee Xamar diidanaayeen inay dawladdu ka shaqayso wadanka gudihiisa.
Sidoo kale, dawladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxay rabtaa inay masuuliyiinta dawladda Kenya ku adkayso inay xoojiso heshiiskii lagu istaajiyay duulimaadka diyaaradahii ku dagi jiray garoomada ay xukumaan dagaal oogayaasha xamar fadhiya, kuwasoo, dhaqaalaha kasoo gala garoomada ay gacanta ku hayaan, u isticmaala bur-burinta iyo isku dirka Umadda Soomaaliyeed oo in badan shir dib u heshiineed u fadhiyay Kenya.