Addis ababa:Dawladda ayaa ganacsatada ugu hanjabtay inay ganacsigoodii dib u bilaabaan hadii kale laga qaadayo Licenska
Addis ababa ayaa maanta Taxi iyo dukaamadiiba ay caadi u furnaayeen, kadib markii ay dawladdu soo saartay in cidii ganacsato ah ay ganacsageedii dib u furi wayda laga qaadayo shatiga ay ku shaqeysteen.
Marka maanta suuqii( Mercato market ) ayaa dib u furmay inkastoo uusan wali caadi kusoo noqonin haddana dad badan ayaa dukaamadoodii dib u furay, suuqan agagaarkisa ayay ahayd meelihii ay taageerayaasha mucaaradka iyo ciidamada iskaga hor yimaadeen taasoo ay ku dhimatay illaa iyo 40 qof. Sidoo kale Busaskii iyo Taxidii ayaa maanta caadi u shaqaynayay.
Dawladda ayaa go,aankan ganacsatada shatiyada lagaga qaadayo soo saartay, kadib, markii ay xoogaga mucaaradku hadana ka codsadeen taageera yaashooda inay wali wadaan hawl-galadda lagaga soo horjeedo dawladda uu Zenaawi madaxda ka yahay.