Goddoomiyaha Gobolka Afdheer oo khadka telefoonka aanu ku waraysanay oo sheegay in Magaalada Hargeele laga fulinayo Mashruuc biyo galin ah.
Badhasaabka Gobolka Afdheer Maxamed Ugaas Faatule "Dhagey" oo ku sugnaa magaalada Addis-ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa khadka telefoonka noogu sheegay in dhawaan shacabka ku nool magaalada Caasimada u ah Gobolka Afdheer ee Hargeele laga hir galiyey oo ay ka socdaan biyo galin, "biyahan waxaa khasabadaha waaweyn looga soo jiiday Webiga dul mara magaalada ee WEEB waxaana la galinayaa dhammaanba xaafadaha Magaaladaas sidaas waxaa yiri PC-ga" oo intaas raaciyey in Gobolka oo uu ka dhisan yahay isbitaalka 2aad ee dalka Itoobiya ugu weyn lana filayo in uu howl bilaabo dhawaan.
Godoomiyaha gobolka ayaa sidoo kale sheegay in sannadkii lasoo dhaafay la oran karo horumar fiican ayaa laga sameeyey gobolkaas guud ahaanba, wuxuuna usoo jeediyey dhammaanba shacabka ku dhaqan gobolkaas in ay ka qeyb qaataan dhismaha iyo horumarka gobolka.
Wareysigan oo cod ama qoraal ah ayaanu idiin soo gudbin doonaa dhawaan haddii rabbi idmo.