Ethiopia: Dawladda ayaa lagu eedeeyay Inay Hagar-daamanayso Xoriyadda Wararka
Dawladda Ethiopia ayaa lagu eedeeyay inay dagaal xun kula jirto wariyaasha aan wararka u gudbinaynin sida ay dawladdu rabto.
Hadaalkaasna waxaa yiri qolyaha u dooda xaquuqda (Press freedom Group), kuwaasoo yiri markii ay dhibaatooyinku todabaadkii hore ka socdeen Ethiopia ayaa waxaa ciidamadu xir-xireen wariyaal fara badan iyo hayado wararka soo gudbin jiray, ayagoo ku eedeeyay waxaad ka qayb tihiin dhibaatada meesha ka socata.
Hase yeeshee, Wasiirka Warfaafinta Ethiopia Berhan Hailu ayaa eedayntaas ku tilmaamay mid been ah oo xaqiiqda ka fog, wariyaasha iyo hayadaha warsida-yaasha labaduba waxay illaa iyo hadda ka shaqeeyaan wadanka gudihiisa waxay rabaana ay wararkooda ku sheegaan,marka in dawladda lagu eedeeyo arintaas waa mid ka fog xaqiiqda ka jirta wadanka gudihiisa.
Laakiin, dawladdu maxkamad ayay soo taagi doontaa kuwa isku qarinaya boodhka ayagoo isticmaalaya magaca wariyaal ama war-sidayaal, hase yeeshee,ka qayb qaadanayey ama wax ka abaabulayey rabshadihii ka dhacay wadanka todabaadkii hore oo dad badan ku dhinteen.