Xildhibaan: Sahal Xasan Faarax Oo Laga Soo Doorto Magaalada Baarey Ee Gobolka Afdheer Ee Soomaalida Ogdeniya ayaa waraysi uu siisay SBS Australia Ku Sheegay...
Xildhibaan: Sahal Xasan Faarax Oo Laga Soo Doorto Magaalada Baarey Ee Gobolka Afdheer Ee Soomaalida Ogdeniya ayaa waraysi uu siiyey "Idaacada SBS World News Australia" Ku Sheegay kagana hadlay arimo kala gadisan ayna ugu horasyo Abaaro ba'an oo deegaanka Afdheer laga soo sheegayo, Maamulka hada ka jira magaalo Jigjiga iyo waxa uu kaga duwan yahay maamuladii hore.
Sidoo kale miisaaniyada gobolka Soomaalida Itoobiya ee nar walba dadweynuhu maqlaan waa la celiyey oo lama isticmaalin sabata ay arintaasi ku dhacdo, iyadoo sanado fara badan oo la soo dhaafay wararkaas la maqlayey. Sidioo kale wuxuu Xildhibaanku ka hadlay cida uu xilku ka saaran yahay masiibooyinka ka dhaca gobolka, ma dowlada Federalka mise tan Dowlad Goboleedka Soomaalida ee Jigjiga.
Waxaa kale oo uu si faah faahsan uga hadlayaa guud ahaan arimaha dhulka Soomaali Ogadenia, gaar ahaan gobolka laga soo doorto ee Afdheer, dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo guud ahana daryeelka bulshada ee ka jira dhulkaas, xiligan ay dowlada EPRDf ka taliso wadanka iyo wakhtiyadii dowladihii hore ee Mingistu iyo Xaylasalaase labadaba.
Hadaba waxaan la socod siinaynaa in cidii danaynaysa waraysigaas oo faah faahsan qaybtiisa koobaad ay ka dhagaysan karaan idaacada SBS Australia, iyadoo cod ah maalinta Arbacada ah ee taariikhdu tahay 9/11/2024 ka, xiliga afrikada bari saacadu tahay 2:00pm Duhurnimo ama Sideeda saac ee Duhurnimo, ninba siduu u yaqaan. Riix ama Click garee Linkigan hoose.