Ethiopia: Policeka oo xabsiyada ka sii daayay dad badan
Policeka dawladda dhexe ayaa waxay sheegeen shalay inay xabsiyada ka sii daayeen illaa iyo 2417 maxbuus, kuwaasoo, lagu dacweeyay inay ka qayb qaateen rabshidihii dhiigu ku daatay ee ka dhacay meelo kala gadisan oo Ethiopia ka mid ah.
Qoraal ka soo baxay Policeka ayaa ku sheegay in maxaabiistan ayna wax ka abaabulin rabshadihii dhacay si toos ahna aan uga qayb qaadanin. Tirada maxaabiista ah ee la sii daayay ayaa kala ah 1779 oo xabsiga Addis ababa laga sii daayay iyo inta kale oo laga sii kala daayay 2 xabsi oo kale.
Policeka ayaa waxay sheegeen inay soo gaba-gabaynayaan baari-taanka maxaabiista hadhay, kuwaasoo, la keeni doono maxkamad si loogu qado danbiyadii ay gelaan.