GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Safiirka Soomaaliya ee Masar: Ethiopia waa dal jaar ah oo saaxiib ah, Soomaaliyana aan dhibaato la rabin, Xamarna waa meesha ugu amni xun dalka. By Maxamedeyn iyo Mahad Carabow Somaliweyn.com

Intii aan Qaahira joogay bishii september 2005 waxaa ii suuraggashay in aan wareysto safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar isla markaana ah wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya jaamacadda carabta mudane Cabdullaahi Xasan Maxamuud, wareysigiina wuxuu u dhacay sidan:

*Su�aal: waxaad goobjoog u tahay xukuumadihii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre

iyo kuwii ka danbeeyeen sida tii Cali Mahdi,tii Cabdiqaaism iyo tan imminka joogta ee Cabdullaahi Yuusuf sidee bay kuula muuqata waxqabadka xukuumadahaasi?

=Jawaab: Waqtigii Siyaad Barre dawlad baynu ahayn oo muctarafa dawliyan,adduunkoo dhanna qirsan yahay,awood fara badanna weynu lahayn,mujtamaca dawliga ahna meel baynu ka degganayn,marka dawlad makaana leh baynu ahayn,kaddibna weynu dabacnay,dawladdu wey jilicday weyna burburtay,laakiin intii ka danbaysay wax awdaaca Soomaaliyeed taxasun ah iyo khayr ah oo soo gaaray maanan arag,wey iska baaba�day,runtiina ninka siyaasiga ah ama wax garadka ahee maanta joogaaye wuxuu aad u dareemaya dhibaato aad u fara badan, dhibaatooyinkii dhacay dadka qaarna wey qasteen oo dhibaatooyin iyo dhib badan bay ka geesteen,dadna mutafarijiin (daawadayaal) bay ahaayeen,dadkii danaha Soomaaliya u shaqaynaayay iyo waddaniyaddana wax weyn uma suurtoobin in ay qabtaan ilaa hadda .

Dawladdii Cali Mahdi,mujtamaca dawliga ahi ma aqoonsanin,Maxamed Faarax Caydiid baa ka horyimid,xilkeeda sidii la rabay wey u gudo kari weyday,waxaan hubaa Cali si fiican baan u aqaana in uu isku dayay in uu wax qabto laakiin waa loo suurto geli waayay,Soomaali baa iska hor-istaagtay,Maxamed Faarax Caydiid Allaha u naxariistee isaguna wuxuu ka bixi waayaay dhibaato iyo dagaal wuuna ku baxay Ilaahay naxariistiisa ha siiyo,kaddib waxaa timid dawladdii Carte lagu soo dhisay ee Cabdiqasim Salaad inta muuqmuuqata baan sheegaya,dawladdaasi mujtamaca dawliga ahi aad buu u kaalmeeyay,dawladda Jabuuti iyo dadweynaha Jabuutina juhdi aad u tiro badan bay bixiyeen,lacag badana caalamku waa siiyay,iyadiina waxba ma qaban runtii,kaddib labo sano iyo dheeraad markii la buuqahayay ayaa waxaa la sameeyaay dawlad iyo barlamaan Soomaalida ku badan iyo wasiiro aad u tiro badan iyaguna,markii aad arrintaa fiiriso waxaad garan arrinta dhabta ahi inayan meeshii oolin,dawladdii hadda wey dhisan tahay khilaaf baa ka hoos dhashay iyo mucaarado aad u qaab adag ilaa haddana waxaa socda isku day in dawladdii ay horay dhaqaaqdo.

Maanta shacabka Soomaaliyeed wuxuu fiirsanaya oo leeyahay dawlad iyo barlamaan iyo madaxweyne iyo ra�iisul wasaare iyo wasiiro,laakiin qofka Soomaaliga wuxuu weli dareemaya dawladdii in caqabo tiro badan ay hor-taagan yihiin iyo dhibaatooyin,saas darteed wadciga hadda Soomaaliyeed wax weyn oo laga soo warramo kaa dahsoonba adiga hadda ma jidho waad aragtaa,dalku waa dhibaataysan yahay,caasimadda degganaan la�aan baa ka jidha, waagii baryaba nin baa la dilaya,habeenkii la arkaba nin baa la dilaya,waxaa la yiri:haddii qaylo soo yeerto xaggee loo cararaya,masjidkaa loo carara baa la yiri oo lagu baxsada,haddii isaga gudihiisa ka soo yeedhana,dab qarqaray macnaha dab dhaxamooday maxaa lagu daweeya,biyo harraaday maxaa lagu daaweeya,caasimaddii dadku lahaa ee dalka iyo dadkuba caasimaddiisa ahayd baa hadda waxay noqotay meesha ugu amni xun dalka,waxaana muuqata intii caasimaddu degayso oo xalli loo helayo inaynan Soomaali arrimaheedu sidii la rabay ayan u degaynin,laakiin waan rajeynayna in maalin maalmaha ka mid ah ay caasimaddu degto Ilaah idinkiis.

*Su�aal: Waxaad madax u ahayd jabhaddii Soomaali galbeed oo la dagaaltamaysay cadowga Xabashi,dhulkiina weli xor ma�ahan,waxaana la ogaaday in dawladda Cabdullaahi Yuusuf ay xiriir wanaagsan la leedahay cadowga Xabashi,mudane safiir halgankii aad ugu jirtay xorraynta Soomaali galbeed weli maku jirtaa,mise wax baa is beddelay?

=Jawaab: Aniga hadda adeegsan maayo kelmaddaas iyada ah ee taqliidiga ah oo cadowga Xabashi ah ma adeegsanayo,Ethiopia waxay ahayd dawlad noo dhexaysay dhibaatooyin iyo arrimo taariikheed oo dheer,laakiin awdaacda taariikhdu meel uun iskama fadhido,shalay anigu munaadil baan ahaa xaq baana raadinaayay,xaqii lama wada helin laakiin qayb weyn oo xaqii ka mid ah ayaa la helay,maanta kilinka shanaad meesha la yiraahdo dawlad Soomaaliyeed baa ka dhisan,jaamacado ayay leedahay,dugsiyo sare ayay leedahay,isbitaalo ayay leedahay,beero ayay leedahay,maxkamado ayay leedahaay,macallimiin bay leedahay, waqtigii Xayle Selaasi mar waxaa jirtay shilinka Soomaaliga ah ninkii lagu qabto haddaan la tooganin xabsiga kama uusan bixi jirin,hadda lacagtii Soomaaliyaa taaloo ka socota,fartii Soomaaligaa wax lagu bara dadka oo lagu dhiga,saas daraadeed xaqii ay dadkaasi u dirirayeen oo ay Ethiopia ka rabeen aniguna aan u diriraayay qayb weyn oo ka mid ah ayaa la helaay,anigu dil baan ku xukunaa waqtigii Xayle Selaase iyo waqtigii Mangesto,haddana maalin walba waan tagaayo,shirarka meesha lagu qabtana waan ka qaybgala,dadkaygii iyo dalka waan soo fiiriya,sidaasi daraadeed,kelmaddaa aad markii hore adeegsatay aniga hadda ma adeegsanayo,waxaana Ethiopia haddaa u arkaya dal jaar ah,Soomaaliyana dhibaato aan la rabin,nimanka hadda maamulka Ethiopia wada oo hadda xukunka haysta oo reer Tigree ah, waxay ahaayeen dadkii xukunka Xayle Selaase buufin jiray sida duqsiga ayaa sunta lagu buufin jiray,dhibka Soomaali loo geestay ku aad ugu tiro badan ayaa loo geesan jiray, Soomaalida dad baa xabado lagu dhufan jiray iyaga waa la buufin jiray,xukunkana waxba kagama jirin,dad lumay bay ahaayeen,nimakii baa hadda xukunka haya,wey qybiyeen xukunkii,gobollo ay sameeyeen,maamulo ayay ka dhiseen dastuurkooduna waxay ku qoreen gobolkii doona waqtigii ay munaasab ku noqoto waa go� karaa,sidaas daraadeed dawladda Ethiopia iyo Kenya iyo dawladaha deriska ah aniga aragtidayda shalayna munaadil baan ahaa xabbad ku ridaayay maantana waxaan rabaa in lala noolaado oo walaalnimo,iskaashi,ganacsi iyo amni in lala yeesho,halkaasaan taag nahay aragtidaydana waa taas.

Intii hadda shirarkan ay socdeen immisa goor ayay isku dayday Ethiopia in ay Soomaaliya heshiisiiso haddana wey wadda,qofku hadduu ku leeyahaya nabad baan kuu haya walaal baan ku ahay ma diidi oo colkey baad tahay,labo afoo is gaara ma�aha,Soomaalidu waa in caadifada ee iska shidan ka baxdaa oo waaqaca u soo degta,gobollo Soomaaliya ayaa leh annaga waan go�nay oo Soomaaliyaan ka go�nay ma rabno,Ethiopiana waxay ku leedahay Soomaaliya waa mid hal dawlad weeye,Soomaaliya dib ha u dhisanto,ha degto,dhibka ha laga daayo.

Ethiopia waa dawlad saaxiib ah,kan diiddan in Soomaaliya wax u dhismaan ee Imparatorka

(Emperor) ee dekedda leh ee garoonka leh ee lacagaha urursadee dadka laynaya oo Xamar jooga ayaa diiddan in Ethiopia saaxiib lala noqdo oo wax lala qabsado,wuxuuna diidaya in sharci iyo dawlad soo noqoto.

Su�aal: Soomaaliya waxay xubin ka tahay jaamacadda carabta,ma jiraa wax kaalmo dhaqaale ah ee jaamacadda carabta ay ka heshay dawladdan Cabdullaahi Yuusuf ama kuwii ka horreeyeenba?

Jawaab: Dawladdii hore ee Cabdiqaasim madaxa ka ahaa kaalmo aad u tiri badan bay ka heshay,lacag bay heshay oo malaayiin dollaar ah,dawladda Sucuudiya oo keliya ayaa dhiibtay 15 milyan oo dollaroo cash ah,wax aan 30 milyan oo dollar ah ka yarayna kaalmooyin kala duwan ah bey dhiibtay,dawlado kaloo badana lacag bay dhiibeen,wax dadka Soomaaliya loogu qabtayna ma jirto lacagtaas,meeshay gashay ciddii la doono ayaa la weydiinaya,hadda dawladdan cusub wax ka soo gaaray dawladaha carbeed ma jiraan haba yaraatee.

Su�aal: Safaaradda maxay imminka u qabataa Soomaalida ku sugan dalka Masar, waana sidee jaaliyadda Soomaalida ee Masar?

Jawaab: Soomaalidu markii ay noo yimaadaan,caddeemaha ay nooga baahan yihiin baanu siina,haddii deeq waxbarasho la helo waanu u gudbina,baasaboorada dadkii wata waanu u cusbooneyna,kii meelahaa lagu xirxiro waanu u orodnaa,safaaraddu wax uun bay qaban, jaaliyad oo Soomaali oo rasmi ah oo xarun leh ma jirto,waxaa jira naadiga ardada Soomaaliyeed oo jiray muddo aan ka yarayn 60 sano oo aabbahaa wax ka furay,ardada kaasay joogta,dadka kalena safaaraddooda ayay toos ugu xiran yihiin,mana jiro dhib sidaa u adag oo Soomaalida dalkan ku haysta,safaaraddiina weli wey shaqaynaysa

Su�aal: safaarad in ay shaqayso waxay u baahan tahay dhaqaale oo ku socodsiisa howlaheeda shaqaalaheedana ay mushahar siiso,xagge bay ka heshaa dhaqaalahaasi?

Jawaab: dawladda Masar safaaradda kaalmo yar bay siisa oo 8 kun oo giniga Masar ah,1000 iyo dheeraad waxaa lagu bixiya nalalka iyo biyaha,inta kalena safaaradda shaqaalaheeda ayaa loo qaybiya waxa ku hagaagaana waa yar yahay,dadka Soomaaliyeed wa taqaana waxay ku nool yihiin dadkooda,anigaa ugu weyn meeshano ilmo aan dhalay baa Maraykan jooga oo wax igu soo xoorxoora,dawladda Masarna marwalba wey mahadsan tahay,markastana wey kaalmaysa safaaradda.

Su�aal: xalka Soomaaliya meel walba waa laga raadiyay qof kastana waa la weydiiyay, adigoo ku eegaya waaya�aragnimadaada sidee baa xal loogu heli karaa baaad is leedahay dhibaatada Soomaaliya?

Jawaab: shacabka Soomaaliyeed oo dantiisa garta,maahmaah yar baan kuu sheegaya oo xaggayaga lagu qosqoslo,nin baa wuxuu arkay gabar qurux badan,gabdhahaasna geel badan baa laga bixi jiray,100 halaad iyo Faras iyo buntuq iyo adduun iyo dhar badan iyo raashiin badan,intaasaa gabadha laga bixiya,wuxuu yiri:gabadhaa ma aragtaan,anigu waan jeclahay mana deyn karo in aan guursadaan rabaa,reerkooduna i siin mahayo,iyaduna i yeeli mayso, anna ma deyn karo,Ilaahayow anoo qabo uun la arko,taasaan aniga hadda ku jiraa,Ilaahayow Soomaaliya oo heshiisa oo wax garata Ilaahayow la arko baan taaganahay,Ilaahay Soomaaliya caqliga ha u soo celiyo.

Maxamedeyn iyo Mahad Carabow
Somaliweyn.com
[email protected]

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com