Hayadda ICRC ayaa sheegtay inay caawisay 3000 oo Qoys oo kala dagan Afdheer iyo Fik Zones,kuwaasoo bara la,aan iyo hooy xumo ay ku habsatay kadib markii dagaallo qabiileed ay wax yeeleeyeen meelihii ay markii hore deganaayeen. Qoysaskan ayaa waxay kala deganayeen magaalooyinka W.Imay iyo Raaso oo ka tirsan Afdheer Zone iyo Salaxaad iyo Lagahida oo ka mid ah Fik Zone.
Waxyaabaha ICRC ay ka caawisay qoysaskan ayaa waxaa ka mid ah raashin caawimaad ah iyo waxyaabo ka mid ah qalabka guryaha lagu dhisto,ama weelasha lagu isticmaalo,maadaama uu xiligii roobabku bilawdeen, ayaa 24-25 Ockt waxay ICRCdu kaalmo qalabka guryaha u fidisay 1200 Qoys oo degan Galbeedka-Imay iyo 1000 Qoys oo Raaso degan iyo 400 Qoys oo kala degan Salxaad iyo Legahida.
Dadkan ayaa waxay noloshooda ku tiirsan tahay xoolaha nool iyo ayagoo dadka qaar kaalmo ka helaan qaraabadooda degan deegaamada u dhow. Sidoo kale waxaan ka jirin deegaankan xarumo caafimaad oo dadka laga caawiyo,haday jiraana ma shaqeeyaan,waxaana ku badan dadka deegaanka cudurada sida Shubanka,Malaria, iyo Dhaxanta.
Dhinaca kale roobabkii dayrta ayaan ka di'in meelo fara badan oo Killilka Soomaalida ka mid ah sida; Cadaadle, Feer-feer,Qalaafo, Mustaxiil, Imay bari, Sheykoosh, Dhoba-weyn,Dol-bay,Galbeedka Imay iyo Dolo-Ado.
Laakiin meelaha uu roobku sida fiican ugu da,ay ayaa waxay hadda heystaan daaq iyo biyo ku filan, meelaha qaarna waxaaba laga beertay beero fara badan kuwaasoo lagu beeray roobabkii hadda ka da,ay.
Godeynews Staff [email protected]
|