Xarunta Xanaanada ee SOS Village Gode oo bishii hore ee Oktoober si rasmi ah loo furay
Xaruntan SOS Village Godey ayaa ah tii 6aad ee ku taalla wadanka Ethiopia, ahna tii ugu horaysay ee Killilka Soomaalida laga furo. Xaruntan ayaa muddo 6 bilood ah hadda shaqaynaysay, laakiin, bishii october ayaa rasmi ahaan loo furay waxyaabaha ay qaban doonto ayaa waxaa ugu badan ka caawinta caruurta waalid la,aanta ah ama waalidkood uu tabar daran yahay dhinaca waxbarashada , Xanaanada iyo Caafimaadka.
Dhismayaasha xarunta SOS Gode ayaa waxaa ku baxay illaa iyo 34 Million oo Bir, waxayna ka kooban yihiin illaa iyo 34 Guri oo waa weyn oo isugu jira qolol waxbarasho,seexasho iyo kuwa (Sports Hall) iyo guryo yar yar oo fara badan oo lagu qabto hawlaha kala gedisan ee xarunta. Qaybta caafimaadka ayaa ah qayb aad u ballaaran oo leh awood ay ku daaweyn karto illaa iyo 4000 qof oo bukaan ah.