Kenya: Madexweyne Kibaaki oo maanta ama barito laga filaayo magacaabista 27 Degmo oo cusub
Madexweynaha wadanka Kenya ayaa laga sugayaa maantoo Khamiis ah ama Jimcaha inuu magacaabo 27 Degmo oo cusub,taasoo tirada guud ee degmooyinka wadanka ka dhigi doonto ugu yaraan 99-100 degmo.
Arintaan ayaa in muddo ahba Madexweyne Kibaaki laga filayay ayadoo dadka qaar ay ku tilmaameen inay adag tahay in hal mar la wada sameeyo intaas oo degmo,hase yeeshee, waxaad moodaa samaynta degmooyin cusub inay tahay jidka kaliya ee uu Kibaaki kaga rayn karo mucaaradka kaga soo horjeeda dastuurka cusub ee wadanka loo codeeynayo Isniinta soo socota, kaa soo haduu hir galo siinaya awood dheeraad ah oo aad uga badan tii ay Madeweynayaashii isaga ka horeeyay aysan heysanin.
Illaa iyo hadda waxaa la saadaalinayaa in 8 Gobal ee wadanka Kenya ka kooban yahay uu ugu yaraan midkiiba heli doono 3 illaa iyo 5 degmo cusub. Hadaba Gobalka Waqooyi Bari ee Soomaalida ayaa laga filaayaa inay helaan ugu yaraan 3 degmo, taasoo, dad badan aysan weli rumaysnayn.
Kibaaki ayaa laga filayaa inuu (gazette Notice) ku sii daayo degmooyinkan cusub ee hadda la magacaabayo iyo kuwa hadda ka hor uu sameeyey madexweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi oo aan Gazettment lagu samaynin sida Degmada Ijara, Tesso iyo Thika iyo kuwa kale oo badan.