Waxaa maalintii ay taariikhdu tahay 22/11 Shir ka dhacay magaalada ceelbarde
Waxaa maantii ay taariikhdu tahay 22/11 ka dhacay magaalada ceelbarde ee Gobolka Bakool dalka soomaaliya, shirlagaga wada hadlayay sidii loo sii xoojinlahaa nabadgalyada magaalda iyo waliba inla sii kordhiyo wax qabadka xaga arimaha bulshada oo ay ka mid yahiin Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Waxaan jirin sida lawada ogyahay Dawlad dhexe oo ayadu kaabta ilaha baahiyeed ee dagmadu u baahantahay sidaa daraadeed ayaa waxaa lagu booriyay dadwaynaha in ay isku tashadaan qofwalbana waxii tabartiisa ah ugu deeqo baahida bulshada waa arimaha aan kor ku soo sheegnay.
Ganacsatada ayaa ayaguna balan qaaday in intii karaankooda ah eey is garab taagayaan maamulka degmada bixinayaan caashuurta iyo waliba waxii ay awoodaan. Dadka ka soo qaybgalay shirkaa ayaa ayagu waxaa ee iskugu jireen qaybaha kala duwan ee bulshada.Gabagabadii ayaa waxaa shirkii ka soo baxay qodobo dhawr ah oo ay ka mid yahii.
In la sii xoojiyo xidhiidhka wanaagsan ee ay degmadu la leedahay degmooyinka kale ee dariska yahiin.
In la taageero DFKM waa hadii ay noqoto mid ummada u adeegeeysa waxii khilaafaad ahna ku dhameeyneeyso wada hadal iyo nabad galyo.
In la qabto shir lagu marti qaadayo degmooyinka dariska la ah si loo yeesho iskaashi dhanwalba leh.
Gabagabadii ayaa waxaa khadka teleefoonka kalmado mahiim ah ka soo jeediyay ooguna mahad naqay odayaasha iyo aqoonyahanada isku xilqaamay arintan mahiimka ah Ugaaska Deegaankaas UGAAS BAARUUD UGAAS XUSEEN UGAAS KHALIIF oo hada arimo mahiim ah ugu maqan Gobolka dariska la tahay degmadu ee Godeey oo ka tirsan deegaanka soomaalida itoobiya ee Ogaden.