JAWHAR: Maxamed Dheere ayaa yiri Barre Hiiraalle Gogal Ma dhigo Kiro Kismaayo, oo uu xoog ku haysto
Maxmed dheere ayaa si adag u weeraray Barre Hiiraale iyo wada hadalaka uu rabo inuu Kismaayo ku qabto, sabatoo ah Kismaayo xoog ayuu ku haystaa kumana qaban karo shir asagoon kala tashanin dadkii dhulka iska lahaa.
Hadii u rabo inu meel shir ku qabto waa inu aado Garbo-haaray ama Galgaduud laakiin, Kismaayo ha isaga baxo oo haku wareejiyo dadka deeganka iska leh, oo u malin kastaba maleeshiyadiisu ku dhibaatayso deegaanka Gobalka Jubbada Hoose.
Hadalkan iyo hadallo fara badan ayuu hadda ka hor saxafadda u sheegay Maxamed Dheere, asagoo mar ay BBCdu waraysnaysay hadda ka hor weeraray Hiiraale, Indha cadde iyo Caato ku yiri "Soomaalida sidee bay ku heshiini, markii ay niman Galgadud ka yimid haystaan beerahaadii iyo magaalooyinkadi,haddana laga dhigayo Wasiiro iyo Hogaamiyaal.
Hase yeeshee dad badan ayaa u arka weerarka Maxamed Dheere inuusan muhiimad badan lahayn maadaama, isaga laftigiisu uu si xun ula dhaqmo dadka masaakiinta ah ee ku hoos jira deegaanka uu xooga ku haysto.