Tuugadan ayaa dadkii meesha ku jiray dhibaato xun oo jir dil ah u gaystay kadibna qaatay wax alaale iyo waxii labada meelood yaalay, xitaa waxay badheen dadkii macamiisha ahaa ee meesha joogay. Ganacsade NUUX ayaa sheegay inaysan dhicin wax dhimasho ah, laakiin, ay tuugadu dhaceen xoolo badan oo iskugu jira Computarro, Mobile phones iyo lacago cash ah oo meesha yaalay.
Arimahan nabad-galyo xumada iyo boobka ah ayaa in badan ku dhacayay soomaalida ka ganacsata wadankan, hase yeeshee hadda waxay gaartay meel aad u xun oo ay dad badan naftoodii ku wayeen, hadana soomaalidii wadanka joogtay ayaa qaarkood ku talo jiraan, sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen meelihii ay markii hore ka tageen.